Home Wararka Somaliya Galmudug Faah Faahino ku saabsan Haweeney Lagu dilay Deegaan Hoostaga Caabudwaaq

Faah Faahino ku saabsan Haweeney Lagu dilay Deegaan Hoostaga Caabudwaaq

0

Wararka naga soo gaaray degaanka Birta dheer oo u dhow deegaanka balicad oo hoostaga degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi Maanta lagu dilay Haweeneey kamid aheyd dadka ku nool degaankaas.

Nin hubeysan ayaa waxaa la sheegay in Haweeneyda uu dilay kadib markii uu soo kala dhex-galay khilaaf xoogan sida ay sheegeen dad ku sugan degaanka uu dilka ka dhacay ee birta dheer ee Gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Booliska degmada Cabudwaaq howlgal ay sameeyeen ay suurto gashay inay gacasnta ku dhigaan Ninkii ka dambeeyay dilka Haweeneyda.

Laamaha Amniga degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud weli sirasmi ah uma faah faahin sababaha keenay dilka Haweeneyda, hayeeshee wuxuu falkaasi kamid yahay dhacdooyinka ka dhacay mararka qaar dalka

Ad
Previous articleMuqdisho waxay gashay Xaalad xun Maalin kastana waxaa ka Soo yeeray Dhawaaw xun
Next articleGalmudug oo si Kulul uga Hadashay Dagaal beeleedyada ka socda Deegaanada Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here