Home Wararka Maanta Ciidamada Dowlada oo Gacanta Kusoo Dhigay Rag Ka Tirsanaa Alshabaab

Ciidamada Dowlada oo Gacanta Kusoo Dhigay Rag Ka Tirsanaa Alshabaab

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howl-gallo baaxad leh oo ciidanka xoogga dalka ay fuliyeen, kaasi oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Howl-galladan ayay ciidanka ka fuliyeen degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeelleda Dhexe, iyaga oo gacanta kusoo dhigay rag la shaqeynayay kooxda Al-Shabaab oo basaasiin u ahaa.

Ciidanka ayaa sidoo kale ku guuleystay in duleedka magaalada iyo waddooyinka soo gala ay ka saaraan miinooyin ay kooxda Al-Shabaab dooneysay in ay ku waxyeelleeyaan dadka shacabka ah ee halkaasi ku dhaqan.

Soo qabashada raggan ayaa timid kadib markii ciidanka xoogga dalka uu helay xogta ah inay jiraan xubno si hoose ula shaqeeya kooxda, iyada oo ciidanka gacanta kusoo dhigay qaar ka mid ah jawaasiista argagixisada ee halkaasi ku dhuumaaleysanayo.

Dagaalka Al-Shabaab oo dib boorka uga jaftay dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii dambe lagu laayay maleeshiyaad Shabaab ah, ayada oo laga xoreeyay kooxda deegaano cusub.

Shalay ayey aheyd markii ciidanka kumaandooska ee Danab iyo Daraawiishta Jubbaland ay kooxda ka xoreeyeen deegaanka Buulo-Xaaji oo 90KM dhanka galbeed kaga began magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Ciidanka ayaa si buuxda ula wareegay deegaanka Buulo-Xaaji, ayada oo sidoo kale howl-galkaas ay ciidanka ku bur-buriyeen fariisimo ay kooxda Al-Shabaab baada uga qaadi jireen dadka shacabka ah.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka
Ad
Previous articleWar Deg Deg ah:Diyaaradda uu Madaxweyne ku xigeenka Malaawi saarnaa ee la la’aa oo aanay cidina ka badbaadin
Next articleQaramada Midoobay oo sheegtay in ay ka argagaxday saamaynta ka dhalatay samato bixinta la haystayaasha Israa’iil