Home Wararka Somaliya Faah faahin laga helayo dil ka dhacay Muqdisho

Faah faahin laga helayo dil ka dhacay Muqdisho

0

Rag hubeysan ayaa ku dishey labo askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya Isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho.

Wararka waxa ay sheegayaan in koox ku hubeysan bastoolado ay weerareen ciidamadan oo ilaalo ka hayay isgoyska Siinay ayna dileen labo kamid ah halka mid kalana uu dhaawacmay.

Raggii ka dambeeyay weerarkan ayaa la sheegay in hore u sii qaateen hubkii ay haysteen askarta.

Kooxihii ka dambeeyay weerarkaasi dilka ah ayaa goobta ka baxsaday, waxaana halkaasi tegay qaar ka mid ah Ciidamada Booliska, kuwaas oo goobta ka qaaday meydadka askartii weerarka lagu dilay.

Fal weerarkan oo kale ah ayaa shalay waxa uu ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan ceelasha biyaha iyadoo lagu diley mas’uul ka tirsanaa maamulka deegaanka Ceelasha iyo labo askari oo ilaalo u ahayd.

Ad
Previous articleAxmed Madoobe oo xilka deg deg uga qaaday Wasiirka Amniga Jubbaland Janan
Next articleDowladda kenya oo dalbatay in La xiro xeryaha Qaxootiga dhadhaab iyo Kaakuma

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here