Home Wararka Somaliya Faah Faahin Ku saabsan Qarax ka dhacay Muqdish

Faah Faahin Ku saabsan Qarax ka dhacay Muqdish

0

Wararka ka imaanaya Deegaanka Daarusalaam ee Muqdisho ayaa sheegaya in Qarax la dhigay  waddada dhinaceeda in Lagu bartilmaameedsaday gaari uu watay Masuul ka Tirsan Degmada dayniile ee Gobalka Banaadir oo  marayay waddada Daarusalaam islamarkaana  uu ku dhintay gudoomiye kuxigeenkii siyaasadda degmada Dayniile Cabdi Maxamad Maxamuud.

Wararka ayaa sheegaya inay jiraan dhawaacyo soo gaaray ilaallada gudoomiye kuxigeenka dhintay kuwaas oo loo qaaday Qaar ka mid ah isbitaalada Muqdisho.

Qaraxa waxuu ahaa Miinada Dhulka Lagu aaso sida ay shegeen dadka Deegaanka, waxaana Masuuliyiin ka Tirsan Maamulka Degmada dayniile ay xaqeejiyeen Geerida Cabdi Maxamed oo ahaa Gudomiye Ku xigeenka Dayniile.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxa ka dhacay waddada Daaruslaam, Balse Weerarada Nuucaan ah waxaa Fuliya Alshabaab.

dhawaan Waxaa Qarax Nuucaan ah  ka badbaaday Xoghayaha Degmada Dayniile Mahad Sharaawe in kastoo ay ku geeriyoodeen dad rayad ah oo ku sugnaa Goobta uu qaraxu ka dhacayay.

Bilooyinkii La.soo dhaafay Muqdisho waxaa ku soo kordhayay Qaraxyada Miino ee Lagu aaso Hareeraha wadooyinka Kuwaas oo Lala Baltilmaameedsanayay dadka Dowladda ka Tirsan.

Qaraxaan saaka ka dhacay Degmada dayniile wili si dhaba looma xaqeejin Qasaaraha Rasmiga ah ee ka dhashay.

Ad
Previous articleKongo oo xaqeejisay in Farmaajo uu dalbaday in la dhaxdhaxaadiyo Dowladda iyo Saamilayda (Akhriso)
Next articleKhilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya oo walaac xoogan laga Muujiyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here