Home Wararka Maanta FaafaahinDheeri ah oo Ku saabsan safarka madaxweynaha Soomaaliya ee Turkiga

FaafaahinDheeri ah oo Ku saabsan safarka madaxweynaha Soomaaliya ee Turkiga

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Madasha Diblumaasiyadda Antalya ee dalka Turkiga ayaa ka hadlay mustaqbalka Soomaaliya iyo muhiimadda ay leedahay xasilloonida marinnada muhiimka ah ee ay ka mid tahay Badda Cas.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xadgudubka Xukuumadda Itoobiya ay ku sameynayso midnimada iyo madaxbannanida Soomaaliya ay wiiqayso dadaallada caalamiga ah ee xasilinta marinnada muhiimka ah ee ay ka mid tahay Badda Cas.Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay caqabadaha hortaagnaa dowladnimada Soomaaliya iyo dhabar adaygga ay ku wajahayaan dadka Soomaaliya, isgoo sheegay in xoreynta deegaannada ku jira gacanta Al-shabaab ay barbar socdaan qorsheyaal lagu adkeynayo dowladnimada, laguna xoojinayo iskaashiga iyo doorka Soomaaliya ee Gobolka, kuwaas oo ay ka mid yihiin; ku biirista Dallada Bulshada Bariga Afrika, qaadista cunaqabateynta hubka iyo dhammeystirka deyn cafinta

Ad
Previous articleBooliska Oo war kasoo saaray Dilka Ganacdade Dhawaan lagu Dilay Muqdisho iyo Taliyayaal loo Xiray
Next articleAskari Toogasho ku Dilay Aabihiis iyo Ciidamada Amaanka Oo Gacanta Kusoo Dhigay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here