Home Wararka Maanta Faadumo Ugaas Carab oo 11 jir ahayd oo la kufsaday Kadibna Ladilay

Faadumo Ugaas Carab oo 11 jir ahayd oo la kufsaday Kadibna Ladilay

0

Gabar 11 jir ah ayaa la sheegay in magaalada Jigjiga lagu dilay, ka dib markii la kufsaday. Wararku waxay sheegayaan in gabadhaas yar la deldelay kufsiga ka dib, kaasoo ka dhacay xaafadda 13aad ee magaalada Jigjiga.

Dhakhaatirta isbitaalka Kaaraamardha ee magaalada jigjiga ayaa baaritanno ay sameeyeen ka dib waxa ay xaqiijiyeen in kufsi loo geystay gabadhan yar ka hor inta aan la daldalin.

Booliska dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen rag ka soo kala jeeda qoomiyado kala duwan, kuwaasi oo loo heysto dilka iyo kufsiga Faadumo Ugaas Carab.

Bayaan lagu baahiyay barta faceboogga ee booliska dowlad deegaanka Soomaalida ayaa lagu yiri sidan, “Booliska dawlad deegaanka ayaa gacanta ku soo dhigay 4 Nin oo kufsi wadareed iyo dil ka gaystay Magaalada Jigjiga”.

Aabbaha dhalay gabadha la dilay, Ugaas Carab, ayaa BBC u sheegay inuu ku baraarugay arrinkan ka dib markii uu maqlay qaylo yeeraysa. “Guriga dad waaweyn ma joogin, anigana qolkayga jiifka ayaan ku jiray, markii aan tuu-tuujiyey oo aan is iri ma naqas baa ku dhegey anigoo isku dayaya inay dhaqdhaqaaq samayso ayaan arkay xarig lagu ceejiyey, waan ka gooyey, dhakhtarka ayaan geynay” ayuu yiri Ugaas Carab.

Isla markii isbitaalka la geeyey ayey dhakhaatiirtu xaqiijiyeen inay geeriyootay gabadha yar oo lagu magacaabi jiray Faadumo Ugaas Carab aysan noolayn.

Ugaas Carab, gabadha aabaheed wuxuu BBC u sheegay in ragga falkaas gaystay ay ahaayeen shaqaale isaga u shaqaynayey.

“Wiilasha aniga ayey ii shaqaynayeen, meel alaabta mobilka lag sameeyo ayey iiga shaqaynayeen, ayaga ayuuna tuhunkii galay, booliska ayaa iminka gacanta ku haya, afarna wa xiran yihiin, midna waa maqan yahay” ayuu yiri.

Wuxuu intaa raaciyey inuu cadaalad doonayo. “Anigu dhibbane ayaan ahay, cadaalad baan rabaa. Xukuumadda waxaan ka codsanayaa in cadaalad loo raadiyo kuwii hore iyo anigaba” ayuu sii raaciyey.Saraakiisha Komishinka Booliska DDS, ayaa xaqiijiyay in gacanta lagu soo dhigay sharcigana la horkeenayo 4ta-nin oo gaystay falka kufsi wadareedka iyo dilka ah u gaystay gabadh yar oo aan wali qaan gaadhin, 4-ta nin ayaa gabadha yar kufsaday kadibna dilay waxaana gacanta ku soo dhigay ciidanka amaanka.

Komishineerka Komishinka Booliska DDS Sareeye Guud Cabdi Cali Siyaad ayaa sheegay in sharciga lala tiigsan doono raggii falkani ku kacay oo ay boolisku sheegeen in ay gacanta kusoo dhigeen islamarkaana ay caddaalad heli doonaan qoyska gabadha yar.

Saamaynta dilku keenay

Wararka magaalada Jigjiga naga soo gaaraya waxay sheegayaan in maanta ay ka jirtay caro xoog leh, taasoo keentay in dawladdu ay uruuriso dadka ka soo jeeda qowmiyadaha kale si aan dhibaato loo gaarsiinin.

Waxaa kale oo ay wararku sheegayaan in xaafadda ay deganaanyeen gabadha geeriyootay iyo reerkeeda ay ka dheceen rabshado dhex maray dad caraysan iyo booliska.

Booliska ayaa la sheegayaa inay isticmaaleen gaaska dadka ka ilmaysiiya si ay u kala kaxeeyaan dadkaas caraysan.

Bartamaha magaalada ayey wararku sheegayaan in dhowr gaari ay waxyeello gaarsiiyeen dad caraysan, waxayna sheegayaan warar aan ilo kala duwan ka helnay in rabshadihii ka dhashay kufsga iyo dilka gabadhaas yar loo qab-qabtay dad kontomeeyo qof gaaraya.

Komishineerka booliska waxa uu ugu baaqay bulshada in laga fogaado wax walba oo xasilooni darro horseedi kara.

Ad
Previous articleSSC oo Hanjabaad Culus u Diray Maamaulka Soomaaliland
Next articleSababta Keentay in Ciidamada Dowladu ka baxaan Galcad Budbud Masagawaa iyo Wabxo oo la Shaaciyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here