Home Wararka Maanta Erling Haaland iyo Sam Kerr oo ku kala guuleystay abaal marinta gool...

Erling Haaland iyo Sam Kerr oo ku kala guuleystay abaal marinta gool dhalinta horyaalka Ingiriiska

0

Weeraryahanka kooxda Manchester City Erling Haaland iyo xiddigta Chelsea Sam Kerr ayaa ku guuleystay abaal marinta xiddigaha sanadka ee ragga iyo dumarka ee xiriirka FWA.

Xiddiga Norway iyo kooxda Manchester City Haaland ayaa dhaliyay 51 gool ilaa haatan xilli ciyaareedkiisii ​​ugu horeeyay ee City.

35 ka mid ah waxa ay ahaayeen Premier League, iyaga oo jabiyay rikoorka gooldhalinta horyaalka ee hal xilli ciyaareed.

Weerar yahanadda reer Australia Kerr ayaa ah ciyaaryahanaddii ugu horreysay ee ku guulaysta abaalmarinta xiddiga sanadka ee haweenka sanado xiriir ah.

Waxa ay dhalisay 26 gool 34 kulan oo ay ciyaartay xilli ciyaareedkan, oo ay ku jiraan 10 gool oo ay ka dhalisay Horyaalka Haweenka.

Kerr saaxiibteed ay isku kooxda yihiin ee Lauren James ayaa kaalinta seddexaad gashay.

Abaalmarinta ragga, 22-jirkan Haaland ayaa helay 82% codadkii la dhiibtay iyadoo Bukayo Saka oo Arsenal ka tirsan iyo Martin Odegaard ay soo galeen saddexda sare.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleWasiir Xaange oo Shaaca Ka Qaaday Sababta Siciid Deni ula Dagaalay Madaxda Dowlada Soomaaliya
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Dilka Loo gaystay Gudoomiye Yusuf Xuseen oo Muqdisho lagu Dilay