Home Wararka Maanta Erik ten Hag oo amaan kula dul-dhacay laba ciyaartoy oo kooxdiisa ah...

Erik ten Hag oo amaan kula dul-dhacay laba ciyaartoy oo kooxdiisa ah kaddib guushii ay dib ugu furteen horyaalka Premier League

0

Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ee Erik ten Hag ayaa amaan kula dul-dhacay laba ciyaartoy oo kooxdiisa ah kaddib guushii ay dib ugu furteen horyaalka Premier League ee ay xalay ka gaadheen Nottingham Forest oo ay 3-0 ugu awood sheegteen.

Sagaal maalmood kaddib finalkii Koobka Adduunka, difaaca reer France ee Raphael Varane ayaa ugu soo bilowday Manchester United, waxaana uu muujiyey bandhig heersare ah isaga oo ciyaaray 77 daqiiqadood iyadoo waliba aanu tababar badan la samayn kooxdiisa.

Varane ayaa difaaca dhexe kula soo bilowday Luke Shaw maadaama uu Harry Maguire kaydka fadhiyey oo aanu taam ahayn, sidoo kalena ay maqnaayeen Lisandro Martinez iyo Victor Lindelof.

Erik ten Hag oo ciyaarta kaddib saxaafadda la hadlay ayaa yidhi: “Labadoodu waligood kama aanay wada ciyaarin difaaca dhexe [Varane iyo Shaw], haddii aad ciyaaarto saddex kulan oo aan wax gool ah lagaa dhalina waan faraxsanaanaysaa.

“Rafa waxa uu mar kale muujiyey shaqsiyaddiisa wanaagsan iyo heerkiisa wanaagsan ee uu siinayo Manchester United isaga oo kasoo laabtay koobka Adduunka. Mushkiladda difaaca dhexe iyo masuuliyadda uu qaatay in uu isagu ka ciyaaro, walibana soo bandhigo ciyaar aad iyo aad u sarraysa ayaa runtii muhiim u ahayd kooxda.

Ad
Previous articleDowlada Somaliya oo ka hadashey Shirkad Shidaal baaris ka sameeneysa Somaliland
Next articleDowlada Soomaaliya iyo Dowlada Jabuuti oo war cusub kasoo saaray xiriirka labada dal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here