Home Wararka Caalamka Ergaygii Gaarka ahaa ee Maraykanka u Qaabilsanaa Geeska Africa oo is casilay

Ergaygii Gaarka ahaa ee Maraykanka u Qaabilsanaa Geeska Africa oo is casilay

0

Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika David Satterfield ayaa xilka ka tagaya kahor bisha June, sida ay Talaadadii sheegeen ilo-wareedyo arrintan la socday, kadib markii uu xilkaas la wareegay wax ka yar lix bilood, iyadoo xilligan uu qalalaase siyaasadeed gobolka ka taagan yahay.

Ku xigeenka ergeyga gaarka ah Payton Knopf ayaa xilka si kumeel gaar ah ula wareegi doona, sida ay tilmaameen ilo-wareedyadu, iyagoo intaas ku daray in bixitaanka Satterfield aysan ahayn mid degdeg ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa wax yar kahor ku dhawaaqday in Satterfield iyo Knopf lagu wado inay yimaadaan Itoobiya Arbacadan, si ay kulamo ula yeeshaan saraakiisha dowladda Itoobiya, wakiillada ururada samafalka, iyo saaxiibada diblomaasiyadeed.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaan wax faallo ah ka bixin markii wax laga waydiiyay tegitaanka Satterfield.

Warka ku saabsan bixitaanka Satterfield ee la filayo, oo ay markii ugu horreysay soo warisay majaladda Foreign Policy, ayaa kusoo beegantay xilli ay dhibaatooyin badan ka dhaceen gobolka.

Colaad in ka badan hal sano ka socotay dalka Itoobiya ayaa dhalisay eedeymo ku saabsan gabood-fallo ka dhan ah labada dhinac, halka Suudaan ay ka jirto qalalaase dhaqaale iyo mid siyaasadeed, kadib afgambigii bishii Oktoobar ka dhacay dalkaas.

Ad
Previous articleXildhibaanada Golaha Shacabka ee Puntland laga soo doortay oo Muqdisho kusoo wajahan
Next articleFafaahin ka soo baxaysa rasaas laga maqlay gudaha Jeelka weyn ee Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here