Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku dhawaaqay in dalkiisu uusan aqbali doonin in Sweden ay xubin ka noqoto NATO ilaa iyo inta la ogol yahay in la gubo Qur’aanka . Sida ay sheegtay wakaaladda Anadolu.
Erdogan ayaa yiri intii lagu guda jiray kulanka kooxda baarlamaanka ee xisbiga talada haya ee maanta, “Ha daalin naftiinna, Iswidhish. Haa ma jiri doonto ka mid ahaanshiyaha Iswiidhan ee NATO ilaa inta la ogolyahay in la gubo kitaabkena kariimka ah ee Quraanka.
“Aragtidayada Finland waa mid wanaagsan, laakiin maaha mid Sweden,” ayuu Erdogan ku daray .
Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay dalka Estonia ku sheegay inay ku xiran tahay NATO haddii ay si gaar ah ula macaamilaan codsiyada Sweden iyo Finland.
“Haddii ay kala saaraan labada codsi, Turkigu wuxuu si wanaagsan u eegi doonaa Finland,” ayuu raaciyay.
Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xirtay ilaa iyo 12 warbaahin, nooca mareegaha ah oo ay Al Shabaab lahaayeen, iyadoo horay dowladdu ugu guuleysatey xiritaanka in ka badan 30 bar mareeg
Xiisada u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea ayaa sare u kacday, iyadoo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal uu si xowli ah u sii kala fogaanayo. Arrintan waxay salka ku haysaa Rabitaanka
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ku bilaawday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo uu xigay dagaal toos ah oo waabarigii hore ee saakay kooxda