Home Wararka Maanta Erayadii ugu dambeeyay ee uu ku hadlay lix jirkan muslimka ah ee...

Erayadii ugu dambeeyay ee uu ku hadlay lix jirkan muslimka ah ee loo dilay dagaalka Xamaas iyo Israel

0

Erayadii ugu dambeeyay ee wiilkii lix jirka Muslim ahaa oo Mareykanka tooreey loogu dilay fal Islaam nacayb looga shakiyay ayaa haa “Hooyo, waan fiicanahay”, adeerkiis ayaa sheegay in boqolaal qof ay isugu soo baxeen aaska ilmahan.

Masaajid ku yaal xaafada Bridgeview ee Chicago ayaa waxaa buux dhaafiyay dadka xaafadda, iyadoo qaarkood xitaa ay joogeen ilaa banaanka laamiga.

Booliska ayaa sheegay in Wadea al-Fayoume loo weeraray sababo la xiriira Muslimnimadiisa. Aaskiisa ayaa la qabtay iyadoo milkiilaha guriga ay qoyska degganaayeen uu ka soo muuqday maxkamad, uu uga jawaabayo dilka wiilka. Eedeysanaha oo 71 jir ah ayaa la sheegay inuu ka carooday dagaalka Israa’iil iyo Xamaas.

Baroor diiqayaal ayaa ka kala yimid dhamaan deegaanadaasi oo qaarkood ay ka yimaadeen meelo aad u fog, kuwaasi oo muujinayay sida ay uga xun yihiin falka dilka ah ee loo geystay wiilka lix jirka ah.

Hooyada dhashay wiilka oo la yirahdo Hanaan Shahin oo 32 jir ah, ayaa dhaawac halis ah ka soo gaaray weerarka, mana awoodin inay ka qaybgasho aaska wiilkeeda.

“Waan naxay laakiin lama yaabin,” ayay tiri Sacdiya Nawab, oo ah hooyo saddex caruur ah oo ku nool agagaarka masaajidka. “Waxaan u walaacsanahay carruurtayada, waxaana aad uga welwelsanay carruurta aan awoodda lahayn ee adduunka oo dhan gaar ahaan hadda kuwa ku sugan Qasa.”

Marwo Nawab ayaa sheegtay in iskuulada maxalliga ah ay sameeyeen taxadar dheeri ah sababo la xiriira dhacdooyinka Israa’iil iyo Gasa. Mawduuc ay dad badan oo baroor diiqayay ku celceliyeen, ayay ku eedaysay madaxda dawladda iyo hay’adaha warbaahinta inay eex ka yihiin falastiiniyiinta oo ay dhiirigeliyaan jawi nacayb.

Adeerka iyo afhayeen u hadlay qoyska oo lagu magacaabo Yusuf Hannon, ayaa sheegay in dilka ka hor “aysan jirin wax calaamado ah oo khaldan” oo u dhexeeya eedeysanaha dilka geystay ee Joseph Czuba, iyo dhibanayaasha.

Wiilka iyo hooyadii waxay ku noolaayeen laba qol oo kiro ah oo ku yaal guri uu leeyahay Czuba, waayeelka dilka geystay kaas oo xitaa yimid dhalashadii Wadea dhowr toddobaad ka hor, ayuu yiri Hannon.

“Wuxuu ahaa shakhsi saaxiib la ah qoyska oo dhan, laakiin gaar ahaan ilmaha, oo uu ula dhaqmayay sidii wiil uu awoowe u yahay oo kale,” ayuu Mr Hannon u sheegay BBC. “Wuxuu u keenay hadiyado, wuxuu xitaa u keenay qalab ay ku ciyaaraan.”

Mr Hannon ayaa sheegay in Wadea “jeclaa dugsigiisa, uu jeclaa macalimiintiisa, wuu sidoo kalana jeclaa hooyadii”.

“Wuxuu jeclaa nolosha,” ayuu yiri. “Waxa uu u dhaqmayay sidii ilmo lix jir ah oo caadi ah, oo mar walbana dhoola cadeynaya.”

Dacwad oogaha ayaa maxkamada ka sheegay in mulkiilaha guriga uu aad uga cadhooday Wadea hooyadeed “waxa ka socda Jerusalem”.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in Mr Czuba uu raadiyaha dhageysanayay hadalka dadka dhanka u janjeera uuna noqday mid aad uga naxay joogitaanka qoyska Falastiiniyiinta reer Mareykan ee gurigiisa jooga. Wadea waxa uu ku dhashay Maraykanka ka dib markii ay hooyadii timid dalka 12 sano ka hor.

Sida ku cad warqadaha maxkamada, xaaska Mr Czuba ayaa booliska u sheegtay in ninkeeda uu ka cabsi qabo in ay soo weeraraan dadka ka soo jeeda bariga dhexe, isagoo ka walwalsan in masiibo ay ku dhacdo korontoda Mareykanka, ayuu kala bangiga kala baxay $1,000 doolar.

Sida lagu sheegay farriimaha qoraalka ah ee qoysku la wadaageen golaha deegaanka ee xiriirka Maraykanka iyo Islaamka (Cair), Mr Czuba waxa uu isku dayay in uu ceejiyo Ms Shahin uuna ku yiri: “Muslimiintiinaan waa in aad dhimataan.”

Mr Czuba ayaa Isniintii kasoo muuqday maxkamad isagoo lagu eedeeyay dil, isku day dil iyo nacayb.

Dhinaca kale, Waaxda Caddaaladda ee Maraykanka ayaa sheegtay inay furayso baaris la xiriirta dembiyada nacaybka.

Ad
Previous articleHoggaamiyaha Xamaas Ismail Haniyah oo sheegay in Maraykanka uu mas’uul ka yahay weerarka dhimashada badan dhaliyey ee Israa’iil ku qaadday caawa isbitaalka al-Ahli ee Gaza
Next articleWasaaradda Arrimaha Dibadda Faransiiska oo shaacisay tirada dadka Faransiiska ee lagu dilay weerarkii kooxda Xamaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here