Home Wararka Maanta Erateria oo xog Cusub shaacisay kuna saabsan Ciidamadii Xasan Sheikh uu booqday

Erateria oo xog Cusub shaacisay kuna saabsan Ciidamadii Xasan Sheikh uu booqday

0

Warbaahinta dowladda Eritrea iyo Wasiirkeeda Warfaafinta waxay sheegeen in Ciidanka la la’aa ee Eritrea lagu tababarayay muddo saddex sano ay ka tirsan yihiin ciidanka xoogga dalka SNA.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jen. Odawaa Yuusuf Raagge wuxuu Baarlamaanka ka sheegay bishii December 2019 in aanu ogeyn Ciidan Xoogga dalka ah oo tababar loogu qaaday Eritrea.

Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin ayaa isna mar uu dhowaan wareysi bixiyay wuxuu sheegay in arrinta galka ciidankaas aanay mas’uul ka aheyn, ciidankaasna aanay Nabadsugid aheyn oo ay yihiin Milateri, inkastoo markii ciidankaas la qorayay Xarumaha NISA laga qoray loona sheegay in Qatar loo qaadayo, waxaana markii daabulayay gawaari basas looga soo qaaday Xarunta Nabadsugida oo garoonka diyaaradaha lagu geeyay.

Kusimihii hore Taliyaha NISA Yaasiin Farey ayaa dhowaan sheegay in ciidankaas ay Hey’adda wakiil uga aheyd dowladda, madaxdii xilligaas joogtay ee Hey’adda ay si gaar ah uga shaqeyn jirtay.

Ad
Previous articleDeg Deg: Diyaaradii Sababtay Dagaal Khasaaro Badan Dhaliyay oo Ugu Danbayn Ka Dagtay Garoonka Bosaaso iyo Deni oo Ku Fashilmay inuu Dib u celiyo
Next articleDiyaaradii Siday Kusimaha Madaxwaynaha Soomaaliya oo Dib loogu soo celiyay Muqdisho kadib Markii ay Ka Dagtay Bosaaso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here