Home Wararka Maanta Ehelada Sayid Cali oo Gashaanka U daruuray Go,aankii Maxakamada Gobalka Banaadir

Ehelada Sayid Cali oo Gashaanka U daruuray Go,aankii Maxakamada Gobalka Banaadir

0

Ehellada Sayid Cali Macallin Daa’uud oo maanta ay maxkamadda ku xukuntay dil toogasho ah oo ah qisaastii Luul Cabdicasiis ayaa warbaahinta la hadlay iyaga oo ku gacan sayray xukunka ay maxkamadda gobolka Banaadir ku riday wiilkooda.

Waxay sheegeen in xukunka uusan u dhicin hanaan cadaalad ah, islamarkaan ay racfaan ka qaadan doonaan maadaama dhageysiga dacwadda aan lagu dabaqin xukunka, sida ay sheegeen.

“Sababaha aan ugu qanacsaneyn wixii lasoo maray inta dacwadda socotay waxba lagama qiimeyn, wiilka qiraal laga hayo lama sheegin, marqaatina lama sheegin maadaama dadka Islaam yahay qofka marka la dilayo shareecadda Islaamka loo bandhiga dilkiisa, waa qalad in wax shareecadda Islaamka ka baxsan,” ayuu yiri mid kamid ah Ehellada Sayid Cali.

“Xukunkaas maanta Sayid Cali lagu riday wax quseeya ma ahan, oo aan soo dhaweynayno ma ahan. Intii dacwadaasi socotay waa arkeynay waxyaaluhu siday u dhaceen, sidii aan uga hadleynay iyo cadaalad darradii aan sheegaynay maanta ayay dhacday.”

Sidoo kale waxay eedeyn culus u jeediyeen Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir oo maanta ku dhawaaqay xukunka Sayid Cali ee dilka toogasho, oo ay sheegeen inuu hareermay marqaatiyaashii iyo qiraalkii Sayid.

“Wuxuu ku xukumay wax isaga jeebkiisa ah, wax asaga jeebkiisana xukun ma noqdaan oo meeshan waa garsoorka dalka ra’yi nin kama socdo, racfaan ayaa qaadaneyn illaa dalka meesha ugu sareysa maxkamadaha ayaa soconeyna.”

Ehellada Sayid Cali ayaa sidoo kale ku doodaya in wiilkooda loo hayn cadeyn sax ah oo dil loogu xukumo, islamarkaana maanta lagu xukumay mala-awaal, sida ay hadalka u dhigeen.

 

Ad
Previous articleXamse Cabdi Bare oo Gaaray Garoonka Diyaaradaha Muqdisho Xili Boqolaal Qof ku Go,doonsanyihiin
Next articleMarkab xamuul oo lagu weeraray Gacanka Cadan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here