Home Wararka Maanta Eedeysane Sayid Cali Macallin Daa’uud oo Shaaciyay Sababtii uu ugubay Xaaskiisa luul...

Eedeysane Sayid Cali Macallin Daa’uud oo Shaaciyay Sababtii uu ugubay Xaaskiisa luul Cabdicasiis

0

Eedeysane Sayid Cali Macallin Daa’uud oo maanta kasoo muuqday maxkamadda gobolka Banaadir oo dhageysaneysa dacwaddiisa ayaa markii u horreysay ka sheekeeyay, sida uu u gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis Maxamed, oo uu sheegay in uusan kas u gubin, sida uu maxkamadda kahor sheegay.

Eedeysanaha ayaa marka hore maxkamadda ka hor sheegay sida uu ku billowday khilaafka isaga iyo xaaskiisi Luul, wuxuuna sheegay inay ka dalbatay furiin, isaguna uu ka diiday.

“Waxay igu tiri hooyadey xaaraan ayay igu dhashay adiga oo i furin caawa ma jiifaneysid aniga intii karaankeyga ah waan baryay guddoomiye wayna iga diiday” ayuu yiri Sayid Cali.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaa kale oo ay igu tiri adiga nin iima noqoneysid, ilamaheygana aabe uma noqoneysid waa inaad ifurtaa”.

Sayid Cali oo sii hadlayay ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inuu maseeray, kadib markii uu sheegay in xaaskiisa ay ku tiri nin kale ayaan guursanayaa, waa sida uu ku dooday eedeysanaha.

“Ma kuugu qanacsani nin odey ah ayaan haystaa oo bishii 600 oo dollar i siinayo, ilmaheygana aabe u noqonayo” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Sayid Cali Macallin Daa’uud.

Waxaa kale oo uu ka sheekeeyay sida uu u gubay guriga, isaga oo ku andacooday in ujeedkiisa uu ahaa inuu gubo alaabta, gaar ahaan fadhiga iyo jiifka, oo markii hore uu isagu soo gaday.

“Alaab aniga keenay guriga oo fadhiga yo jiifka kamid ahaayeen nin ma iiga dambeynaayo ayaan iri, intii ayaan isku qabsanay inta qaadan lahayd gub ayay tiri, anne waxaan iri intii uu nin iga dambeyn lahaa inaan gubo ayaa i dhaanto” ayuu yiri eedeysanuhu.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleHowlgal culus oo Ka Bilowday Galmudug iyo Alshabaab badan oo Maantay La Dilay
Next articleSweden: 30 Qof oo la xiray iyadoo la adeegsanayo isticmaalka Sharciga Cusub ee Dhageysiga Telefanka