Home Wararka Caalamka Duuliyaal Diyaaradeed oo dagaalamay diyaarada oo hawada ku jirta oo Talaabo adag...

Duuliyaal Diyaaradeed oo dagaalamay diyaarada oo hawada ku jirta oo Talaabo adag laga Qaaday

0

Shirkadda diyaaradaha ee Air France, ayaa shaqo joojin ku sameesay labo kamid ah duuliyaasha diyaaradahooda, kaddib markii la shaaciyay in ay ku dhax dagaalameen halka laga wado diyaarada xilli ay hawada ku jirtay.

Diyaarada oo u kala safraysey magaalooyinka Geneva iyo Paris ayaa waxaa isku dhacay oo dagaalamay duuliyaha diyaarada iyo kaaliyihiisa, waxaana markii dambe labadan duuliye soo kala dhax galay qaar kamid ah shaqaalaha diyaarada oo dagaalka joojiyay.

Gacan ka hadalka dhax maray labada duuliye ee diyaarada Air France ayaan wax saameyn ah ku yeelan safarkii diyaarada, waxaana la sheegay in diyaarada si nabad galyo ah ku tagtay magaaladii ay kusii jeeday.

Sarkaal u hadlay shirkadda Air France ayaa sheegay in shaqada laga joojiyey labada duuliye, waxa uuna xusay in duuliyaashaasi ku kaceen fal aan wanagasaneyn, balse dagaalkooda uusan saameyn ku yeelan duulimaadka diyaarada.

Duuliyhaaasha diyaaradaha caalamka ayaa mararka qaarkood waxaa ka dhax dhaca is fahmi waa halis galiya nolosha dadka saaran diyaarada, waxaana dhawwaan la baahiyay in labo duuliye oo katirsan shirkadda Itoobiya Airlines ay hurdeen xilli diyaarada hawada ku jirtay.

 

 

Madaxweynaha Galmudug oo booqasho ku tagay xarunta Hay’adda SoDMA

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta booqasho ku tegay xarunta dhexe ee Hay’adda SoDMA, waxaana xarunta ku soo dhaweeyay guddoomiyaha SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle. Madaxweynaha Galmudug

Caalamka:- Dowlada Sacudiga oo 14 Dal African ah ka joojisay Visa Cumrada

Maamulka sare ee Boqortooyada Sacuuduga, ayaa si KMG ah u hakiyay in viisooyinka cumrada, ganacsiga iyo booqashada qoysaska xilligan la siiyo dadka kasoo jeeda 14 dal , kuwaa oo kasoo

Donald Trump oo Shaaciyay Hadalo Hanjabaad ah oo ku socda Iiraan

Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump, ayaa xalay shaaca ka qaaday in dowladda Iran diyaar u tahay in ay la galaan wadahadallo toos ah ay uga wada hadlayaan barnaamijka Nukliyeerka, inkastoo

Caalamka:- Microsoft oo shaqada ka joojisay gabar indhaha caalamka qabsatay

Gabar lagu magacaabo Ibtihal Abu Saad oo u dhalatay dalka Marooko oo u shaqeeysa shirkadda Microsoft, ayaa qabsatay indhaha caalamka, kaddib markii ku dhax mudaharaaday munaasabadda sannad-guurradii 50-aad ee shirkadda

Ex Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo Geerida Jeneraal Sheegow

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka inay baaritaan dhab ah ku sameeyso Geerida ku timid Jeneraal Sheegow oo in muddo ah u xirnaa Dowladda
Ad
Previous articleSoomaaliland oo Balanqaad culus usamaysay Ganacsatadii Suuqa waaheen Hargaysa
Next articleFaahfaahino Dheeri oo kasoo baxaya dil loo geestay Cabdi Mahad Cabdullaahi oo Gaalkacyo lagu Dilay