Home Wararka Maanta Duulimaad toos ah oo Ka imanaaya imaaraadka oo Ka bilaaban Doona Garoonka...

Duulimaad toos ah oo Ka imanaaya imaaraadka oo Ka bilaaban Doona Garoonka Muqdisho

0

Shirkadda diyaaradaha caalamiga ah ee Flydubai oo xarunteeda dhexe ku taallo magaalladda Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa shaaca ka qaaday in duulimaad toos oo maalinle ah ka bilaabeyso magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay maamulka shirkadda Flydubai ayaa lagu sheegay inay duullimaadka tooska ee Mogadishu-Dubai uu bilaaban doono bisha March 9-da, waxa ayna shirkadda cadeesay in adeegyadeeda laba laabmi doonto  bisha June 1-da ee isla sanadkan 2023-ka.

Hamad Obaidalla, oo katirsan masuuliyiinta shirkadda Flydubai ayaa sheegay in ay sii kordhinayaan fursadaha duulimaad ee ka sameenayaan geeska Afrika , waxa uuna xusay in bilaabi doonaan duulimaad toos ah oo isku xiraya Muqdisho iyo Dubai.

Shirkadda  Flydubai ayaa sheegtay marka ay bilowdo duullimaadyada Mogadishu inay ballaarin doonto Shabakadaheeda ee gudaha Qaarada Afrika ilaa 11 goobood, iyadoo rakaabka ka yimaada Imaaraadka iyo Gobalka siinayso Fursadaha ugu macquulsan ee Xulashada Duullimaadkooda, oo ay ku jiraan magaallooyinka Addis Ababa, Alexandria, Asmara, Dar es Salaam, Djibouti, Entebbe, Hargeisa, Khartoum, Juba iyo Zanzibar

Flydubai ayaa duulimaadyada ay ku imaaneyso magaalada Muqdisho u adeegsan doonta diyaaradeeda Boeing 737 MAX Aircraft, waxa ayna shirkadu cadeesay in diyaar u tahay qancinta macaamiisheeda si ay u helaan duulimaad raaxo leh.

Soomaaliya waxaa ka howlgala shirkado diyaaradeed oo caalami ah sida Turkish Airways, Ethopia Airlines iyo kuwa kale, waxa ayna shirkadda Flydubai ku biireysaa shirkadaha caalamiga ah ee duulimaadka maalinlaha ku yimaada Muqdisho.

Liiska Wadamada laga Mamnuucay Galitaanka Dalka Mareykanka oo lasoo Bandhigay

Sida ku xusan qorshe ay diyaarisay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee liiska casaanka ah, Mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa qorsheynaya inay adkeeyaan sharciyada gelitaanka muwaadiniinta dhowr waddan oo Carbeed, sida ay sheegtay

Magaalada Berbera Wiil Dhallinyaro ah oo Jaceyl Dartiis Dab isku Qabadsiiyay

Wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Berbera ee Somaliland ayaa dab is qabadsiiyay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo gabadh uu jacayl ka dhexeeyay Jimcihii shalay.

4 Qof oo ugu geeriyootay Xanuun aan la ogeyn Gobolka Karkaar ee Puntland

Wararka ka imaanaya Degmada Rako Raaxo oo ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dilaacay Xanuun safmara oo aan weli la aqoonsan si deg deg

Maxaa Keenay cabsida laga qabo in uu Dagaal ka dhex qarxo Itoobiya iyo Ereteriya?

Kadib muddo dhowr sano ah oo laga nastay xurguftii muddada dheer ka dhexaysay Itoobiya iyo Ereteriya, mar kale dhinacyada ayaa isku hub urursanaya, iyada oo laga cabsi qabo in dagaal

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo
Ad
Previous articleQoor Qoor oo ka qeybgalay munaasabad Caleemo saar ee Gudoomiye Dhawaan La Doortay(Sawiro)
Next articleTirada Dadka Ku Dhintay Dhul-Gariirkii Turkey Iyo Suuriya Oo Kor U Dhaaftay 41,000