Home Wararka Maanta Duulimaad ay Shacabka soomaaliyeed aad ugu Farxeen oo Maantay Ka Bilowday Garoonka...

Duulimaad ay Shacabka soomaaliyeed aad ugu Farxeen oo Maantay Ka Bilowday Garoonka Muqdisho

0

Shirkadda Diyaaradaha ee Fly Dubai ayaa duulimaadkii u horreeyay ku timid Muqdisho, iyadoo bilowday duulimaad toos ah Muqdisho – Dubai iyo Dubai -Muqdisho, waxaana durba hoos u dhac ku yimid qiimaha tikadhada ee diyaaradaha caalamiga ee Muqdisho yimaada.

Duulimaadka diyaaraddan ayaa maalinle noqon doonta, sidoo kale waxay fududeyn doontaa isku xirka dalal kale ee duulimaadyada ay ku tagto, gaar ahaan dalka Hindiya oo Soomaalida ay baahi aad u weyn oo dhanka caafimaadka ugu tagaan.

Munaasabadda furitaanka diyaaradda Fly Dubai oo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo Safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho ka qeyb galeen ayaa lagu boggaadiyay Bilowga diyaaraddan, sidoo kale safaaradda Imaaraadk ee Muqdisho ay bilaabi doonto in Baasaboorka Soomaaliga ku bixin doonaa Viisaha dal ku galka.

Ad
Previous articleFaahfaahin Qarax goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo khasaaraha ka dhashay
Next articleSomaliland oo ciidanka DDS ku eedeysay iney ka qeyb ka yihiin dagaalka Laascaanood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here