Home Wararka Maanta Duqeyn culus oo ka dhacday Jilib & Dowlada Oo War kasoo Saartay

Duqeyn culus oo ka dhacday Jilib & Dowlada Oo War kasoo Saartay

0

Warbaahinta dowlada Soomaaliya ayaa caawa baahisay war sheegaya dqeymo culus oo ka dhacay degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe oo ah fariisinka ugu weyn Al-shabaab ee Koonfurta Soomaaliya.

Duqeynta ayaa waxaa fuliyey ciidamada xoogga dalka oo kaasahanaya kuwa saaxiibada caalamiga ah ee Mareykanka sida ay wakaalada wararka Soomaaliyeed ee Sonna

“Ciidamada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa weerar ka fuliyay Magaalada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe oo xarun u ah Khawaarijta Al Shabab” ayaa lagu yiri war ay baahisay wakaalada Sonna

“Weerarka oo lagu beegsaday bartilmaameedyo gaar ah ayaa geestay Khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo xarumo la burburiyay” ayaa sidoo kale lagu yiri warka ay baahisay Sonna.

Wax faahfaahin lagama bixin goobaha la duqeeyey iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan.

Degmada Jilib ayaa sanadahan dambe ahaa fariisinka ugu weyn Al-Shabaab ee koonfurta Somalia, waxaana degmadaas iyo dhulka howdka ah ee ku dhow ku sugan inta badan hogaamiyeyaasha sare ee kooxdaas oo halkaas ka soo abaabula weerarada ka dhaca qeybaha kale ee dalka.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleWararkii ugu dambeeyay ee furitaanka kalfadhiga Baarlamaanka Soomaaliya
Next articleAFRICOM oo War ka soo saartay duqeyn Al-shabaab lagula beegsaday Jilib