Home Wararka Maanta Duqaymo Culus oo lagu Qaaday Iiraan iyo Dagaalka Gaza oo wadamo Cusub...

Duqaymo Culus oo lagu Qaaday Iiraan iyo Dagaalka Gaza oo wadamo Cusub Saameeyey

0

Dayuuradaha dagaalka Mareykanka ayaa duqeyn la beegsaday goobo lagu keydiyo hubka iyo rasaasta ay isticmaalaan ciidamada Iran.

Weerarka oo xalay la fuliyay ayaa ka dhacay meel u dhaw magaalada Abu Kamal ee ku taalla xuduudka Ciraaq, waxaana fuliyay diyaaradaha dagaalka ee F-16.

Weerarkan ayaa jawaab u ah diyaarado aan duuliyaha lahayn oo Maalmihii la soo dhaafay gantaallo ku garaacay saldhigyo milatari oo Ciraaq iyo Suuriya ku yaalla kuwaasoo ay ku dhaawacmeen 21 askari oo Maraykan ah, sida laga soo xigtay wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka.

Askartaan waxaa soo gaaray dhaawacyo fudud, in kasta oo wararka qaar sheegayaan in qof shaqaale rayid ahaa uu dhintay.

Ciidamada Mareykanka iyo kuwa isbaheysiga ayaa ugu yaraan 12 jeer lagu weeraray Ciraaq iyo afar jeer oo Suuriya ah, tan iyo markii uu billowday dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas.

Saraakiisha Mareykanka ayaa weeraradan u aaneynaya kooxaha ay taagaeerto Iran ee ka howlgala gobolka. Iran ayaa ku taageerta Xamaas iyo Xisbullah hub iyo sidoo kale dhaqaale.

Mareykanka ayaa waxaa Suuriya ka jooga ilaa 900 oo askari, halka 2,500 ay ka joogaan dalka ay jaarka yihiin ee Ciraaq. Khamiistii, Mareykanka ayaa sheegay in 900 oo askari oo dheeraad ah ay geeyeen gobolka.

Ad
Previous articleGantaal kusoo Dhacay Dalka Masar iyo Israail oo Ka Hadashay Gantaalkaas khasaaraha Gaystay
Next articleSomaliland oo keensatay Eeyo la hawlageli doona ciidamada ammaanka(Sawiro)