Home Wararka Somaliya Galmudug Duqaymo Culus oo lagu Garaacay Alshabaabkii ku Sugnaa Shabeeloow

Duqaymo Culus oo lagu Garaacay Alshabaabkii ku Sugnaa Shabeeloow

0

Warsaxaafadeed kasoo baxaya wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay howlgal qorsheysan oo xalay ka dhacay deegaanka Shabeelow oo dhaca koonfurta gobolka Mudug, halkaas oo lagu beegsaday Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalkan ay iska kaashadeen ciidamada Xoogga dalka iyo saaxibada caalamiga ah, isla-markaana lagu qaaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanayay hawdka deegaankaas, sida ay hadalka u dhigay.

Warsaaxaafadeedka ayaa lagu sheegay inuu u dhacay sidii loogu talagay, isla-markaana uu kusoo dhammaaday si guul ah.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay burburisay gawaarida siday xubno Shabaab ah, saanad, qaraxyo, cunto iyo daawo.

“Hadafka koowaad ee hawlgalka ayaa ahaa burburinta gawaari wadday maleeshiyaad iyo Saanad dagaal oo isugu jiray Hub, Cunto, Daawo iyo Waxyaabaha Qarxa” ayaa lagu yiri.

Sidoo kale qoraalkan ayaa lagu sheegay in howlgalkan lagu khaarijiyay ugu yaraan 20 ka tirsanaa xubnaha Al-Shabaab ee isku uruursanayey halkaasi

“Si dhamaystiran ayaa loo burburiyay gaadiidkaas waxaana goobta ku halaagsamay maleeshiyaadkii Khawaarijta ahaa oo gaaraya ilaa iyo 20 dhagarqabe” ayaa la raaciyay.

Shabeelow ayaa waxaa maalmo kahor ka dhacay dagaal lagu hoobtay oo u dhexeeyay labada dhinac, kaas oo dhaliyay khasaare soo kala galaya dowladda iyo Al-Shabaab.

Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deeganaka oo garab ka helaya saaxibada caalamiga ah.

Ad
Previous articleXamaas oo weerartay dad meydad ka raadinayay goob ay ku dhinteen dad ka badan 260
Next articleImaaraadka Qatar Masar Sacuudiga iyo Turkiga oo ka Hadlay Dagaalka Ka Socda Qasa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here