Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeymo xoogan oo mar kale ay maanta diyaarado dagaal ka fuliyeen qaybo kamid ah koonfurta gobolka Mudug oo ay weli ka socdaan howlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.
Wararka ayaa sheegaya in weerarkan dhanka cirka ah lala beegsadayu saldhigga ugu weyn ee ay Al-Shabaab ku leeyihiin halka loo yaqaano Jeex-Jeex oo in ka badan 15 sano ay ka howlgalayaan dagaalyahanada kooxda, waxayna kasoo abaabulaan weerarada qorsheysan.
Sidoo kale waxaa duqeymahan barbar socda dagaallo toos ah oo ay wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo kusii siqaya deegaano ku yaalla koonfurta Mudug.
Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo ka hadlay howlgalladaas ayaa sheegay inuu jiro jab xoogan oo la gaarsiiyay Al-Shabaab, balse ay dib ka faahfaahin doonaan.
Dagaallada ka socda gobolkan oo qaatay in ka badan 48 saacadood ayaa waxaa kooxda looga dilay illaa 80 xubnood, sida uu shaaciyay taliyaha ciidanka lugta ee xoogga dalka Soomaaliyeed General Dayax Cabdi Cabdulle oo la hadlay warbaahinta dowladda.
“Dhul ballaaran oo runtii buuraley ah oo nimankani saldhigyo ku lahaayeen oo ciidamadu kula dagaalameen oo laga saaray, baa waxaa jira sifayntiisii,” ayuu yiri Taliye Dayax.
Galmudug oo ay hadda ka socdaan howlgallada xoogooda ayaa waxaa ujeedka uu yahay in Al-Shabaab laga caribtiro gobollada dhexe ee dalka, gaar ahaan Galgaduud iyo Mudug.