Home Wararka Maanta Dowladdii ugu horreysay ee Carbeed oo Canbaaraysay qaraxii xerada Dhagabadan Shalay lagu...

Dowladdii ugu horreysay ee Carbeed oo Canbaaraysay qaraxii xerada Dhagabadan Shalay lagu Qaaday

0

Dowladda Qatar oo ka mid ah dowladaha Carbeed ee xiriirka la leh Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerar ismiidaamin ahaa oo shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan xerada Dhagabadan oo ku taalla degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, kaas oo uu fuliyey qof isku soo xiray walxaha qaraxa.

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Dooxa ayaa waxaa lagu sheegay in ka dowlad ahaan ay aad u xun yihiin qaraxaasi oo lagu beegsaday dhalinyaro xilligaas isku diyaarineysay inay ku biiraan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

“Waxaynu ka soo horjeednaa falalka argagixisanimada ah, iyadoo aan loo eegin ujeedooyin iyo sababo,” ayaa  lagu yiri warka ka soo baxay wasaaradda arimaha dibadda ee Qatar.

Sidoo kale dowladda Qatar ayaa tacsi u dirtay ehellada ay dadkooda ku dhinteen weerarkaas, ayada oo ku dhaawaca ahna u rajeysay caafimaad deg-deg ah.

Qatar ayaa ka mid ah dowladaha taageero Soomaaliya, walow uu loolan xoogan kala dhexeeyo Imaaraadka oo hadda u muuqdo inuu uga dhowaaday dowladda cusub.

Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay lagu weeraray xerada tababarka ee Dhagabadan ee Warshadda Nacnaca ayaa waxaa ku dhintay 15 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale.

 

 

 

34 Sano kadib Dowlada Somaliya oo dib u soo Celisay Adeega Boostada Caalamiga

Soomaaliya ayaa 34 sano ka dib markii ugu horeysay dalka ka hirgelisay Maamulka tooska ah ee Boostada caalamiga ah.. Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐌𝐀𝐗𝐀𝐌𝐄𝐃 𝐀𝐀𝐃𝐀𝐍

Maxaa Qalad ah oo ka jira Heshiiska Turkiga iyo Somaliya ee Dhanka Shidaalka

Heshiiska taariikhiga ah ee ay Soomaaliya iyo Turkiga kala saxiixdeen ee sahminta iyo soo saarista shidaalka iyo gaaska ayaa si weyn u soo jiitay indhaha bulshada, balse sidoo kale wuxuu

Maamulka Puntland oo Dowlada Somaliya uga digtay in la Siyaasadeeyo Gargaarka

Wasaaradda Gargaarka iyo maaraynta madiibooyinka dawladda Puntland waxay ka digaysaa siyaasadaynta arimaha Gargaarka taas oo sababi karta in lagu takrifasho oo la baalmaro shuruucda caalamiga ah. HOOS KA DAALACO QORAALKA

Turkiga oo yeelanaya 90% dakhligii shidaalka iyo Gaaska uu kasoo saaro Soomaaliya

Turkiga ayaa yeelan doona ilaa 90 boqolkiiba dakhliga kasoo baxa saliidda iyo gaaska laga soo saaro Soomaaliya, sida uu muujinayo heshiiska labada dal oo markii ugu horraysay nuqulkisa si rasmi

Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka oo loo doortay Xildhibaan Qawdhan

Kulan ay maanta iskugu yimaadeen Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay ku doorteen Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha
Ad
Previous articleTirada deegaanada ee Al-Shabaab laga qabsaday 24-kii saac ee lasoo dhaafay
Next articleShir looga hadlaayay abaaraha ba.an ee ku Habsaday Soomaaliya oo Maantay Muqdisho ka Furmay(Sawiro)