Home Wararka Somaliya Dowladda Soomaaliya oo war soo saartay ka dib Markii Musharaxiinta ay ku...

Dowladda Soomaaliya oo war soo saartay ka dib Markii Musharaxiinta ay ku dhawaaqeen Banaanbax.

0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa markale sheegay in dowladda Soomaaliya marnaba ogolaneyn isku imaatin, xilli kiisaska cudurka Coronavirus ee Soomaaliya uu kordhay.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in dowladda ay mas’uul ka tahay dadka Soomaaliyeed badbaadadooda, isla markaana siyaasi dano gar ah leh uusan isku soo bixi karin waa sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe oo ka qeyb-galayay Barnaamij looga hadlayay xaaladda dalka ayaa sheegay in Go’aankii dowladda Soomaaliya ku mamnuucday isku imaatinka uu yahay sidiisii dadna isku imaan karin.

Ugu dambeyn Wasiirka waxaa uu sheegya in dowladda Soomaaliya ay ogoshahay in siyaasiyiinta ka aragtida duwan uu mid walba tago tv-yada ka howlgalla dalka, halkaasna uu kusoo bandhigo aragtidiisa.

Hadalka Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa kusoo aadaya xilli Midowga musharixiinta ay markale ku dhawaaqeen dibadbax Jimcaha soo socota oo taariikhdu tahay 26 Febaraayo lagu qabanayo Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere.

Ad
Previous articleWakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo Khudbad Xasaasi ah ka jeediyay Shirkii Golaha Amaanka
Next articleWakiilka QM oo kismaayo ku wajahan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here