Home Wararka Maanta Dowladda Soomaaliya oo War cusub kasoo saartay weerarkii Hotelka Afriik

Dowladda Soomaaliya oo War cusub kasoo saartay weerarkii Hotelka Afriik

0

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa faah faahin guud ka bixisay khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay weerarkii hotelka Afriik ay ku qaadeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu cambaareeyay weerarkaas, waxaana lagu sheegay in weerarkaas ay ku dhinteen 9 qof oo 4 kamid ah ay yihiin raggii weerarka qaaday & 5 qof oo uu kujiro Janareel Maxamed Nuur Galaal.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa u tacsiyadeeysay dadkii ku dhintay weerarkaas oo uu kamid ahaa Maxamed Nuur Galaal oo kamid ahaa Saraakiisha ugu caansan Soomaaliya.

“ Ciidamada dowladda ayaa ku amaanan sida ay u xaqiijiyeen badbaadinta muwadiniinta hotelka ku sugnaa markii qaraxyada lagu weerarayay maleeshiyo hubeysane ay galeen, Kooxaha argagaxisada ah waxaa ay caadeysteen waxyeelada dadka rayidka ahkadib markii ciidamada dowladda kaga adkaadeen furimaha dagaalka kana qabsaday degaano dhowr ah ayaa lagu yiri” Qoraalka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Ugu dambeyn dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidamada aysan ka daali dooninla dagalanka iyo soo afjarida Ururka Al-Shabaab oo weeraro dhowr ah ka fuliyay Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada dalka.

Warar laga helayo dagaal culus oo ka socda Galbeedka gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu haatan dagaal beeleed xoogan uu ka socdo inta u dhaxeysa deegaanada Jiicboor iyo Saax qurun oo dhaca Galbeedka gobolka Mudug. Dagaalkaan oo

Maamulka Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay xubno kasoo baxsaday Kooxda Al shabaab

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Afar Xubnood oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Booliiska Gaar ahaan laanta Baarista Dembiyada CID-da ee Gobolka Bay.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada
Ad
Previous articleWar deg deg Ah: General Nuur Galaal oo la Xaqiijiyay in uu ku dhigtay Weerarkii Hotel Afriik
Next articleMadaxweynaha Puntland oo kulamo wadatashi ah bilaabay ka hor safarkiisa Dhuusamareeb