Home Wararka Somaliya Dowladda Soomaaliya oo soo Bandhigtay C/rashiid janan.

Dowladda Soomaaliya oo soo Bandhigtay C/rashiid janan.

0

Wasiirkii amniga Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa goordhaweyd si weyn loogu soodhaweeyay duleedka Beled-xaawo, waxaana soodhaweyntiisa ka qayb qaatay qaybaha kala duwan ee Bulshada Magaaladasi iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya,

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka oo ay hogaaminayaan wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaadiidka Cabdiraxmaan Dheere iyo Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yusuf Al-cadaala ayna wehliyaan saraakiil kale ayaa duleedka degmada Balad xaawo ku soo dhoweeyay Wasiirkii Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo dowladda isku dhiibay kadib wadahadal dhex maray.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo warbaahinta kula hadlay duleedka Magaalada Beled-xaawo ayaa sheegay in Cabdirashiid Janan uu muhiim u yahay Dowladda Soomaaliya iyo Nabadda Gobolka Gedo.

Cabdirashiid janan ayaa horay waxaa uu heshiis ula gaaray Dowladda Soomaaliya, waxaana la helay qaar ka mid ah qodabada uu kula heshiiyay Dowladda waqtigeedu dhammaaday, waxaana ka mid ah Qodabada:

1- In uu heshiiska Dowladda Federalka la galay asagoo ah wasiirka amniga ee Jubaland

2- In ay la socdaan ciidan gaaraya 400 oo askari oo wata 36 gadiid dagaal ah.

3-In Ciidankaas ay la wareegeyso Dowladda Federalka Soomaaliya

4- In heshiiska uu qeyb ka yahay Kornel Abaas iyo saraakiil kale oo gobolka Gedo joogay

5- In uusan siyaasadda ka bixi doonin

 

Ad
Previous articleShir Maalintii 3aad Muqdisho uga soconaya Madaxda Dowladda iyo Dowlad Gobaleedyada qaar
Next articleCabdi Rashiid Janan oo ka hadlay Sababaha keenay Heshiiska Dowlada Somaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here