Home Wararka Maanta Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay Qorshe aysan Waligeed Itoobiya ka Aqbali Doonin

Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay Qorshe aysan Waligeed Itoobiya ka Aqbali Doonin

0

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inaysan marnaba aqbali doonin qorshaha ay Itoobiya saldhig ciidamada badda ah uga dhisayso Somaliland, balse ay ka fakari doonto inay u ogolaato dekad ganacsi, haddii laga wadahadalo.

Itoobiya, oo aan bad lahayn, ayaa bishii Janaayo heshiis la gashay maamulka Somaliland ee waqooyiga Soomaaliya, heshiiskaas oo dhigaya in laga kireeyo dhul badeed ay ka sameysato dekad iyo saldhig ciidan, taas beddelkeedna ay Somaliland u aqoonsato dal madax-banaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa heshiiska ku tilmaamtay mid sharci-darro ah, oo xadgudub ku ah madax-banaanida, qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Si loo qaboojiyo xiisadda, Kenya oo la tashaneysa Jabuuti, ayaa soo jeedisay heshiis badeed sharciyeynaya sida dalalka gobolka ee aan badda lahayn ay ku heli karaan dekado loo marayo heshiis ganacsi, sida uu sheegay sarkaal sare oo Kenyan ah.

Kahor inta aan laga wada-hadlin helitaanka dekad laga heshiiyo, Itoobiya waa inay marka hore nasakhdaa heshiiska Somaliland, waxaa sidaas wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Soomaaliya Cali Balcad.

“Soomaaliya weligeed ma aqbali doonto saldhig ciidan,” ayuu yiri Cali Balcad. “Soomaaliya waxay diyaar u tahay gelitaanka heshiis ganacsi badeed si waafaqsan sharciga caalamiga ah ee badda.”

Waxa uu intaas ku daray in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay wadahadal ka gasho hindisayaasha haddii ay waafaqayaan danaha dalka oo ah “in la ilaaliyo madax-banaanideena, madax-banaanida siyaasadeed iyo midnimada.”

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya ayaa diiday inuu ka hadlo warka cusub ee kasoo baxay Soomaaliya

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleGabadhan Soomaaliyeed ee caanka ah ee heshay Cabdigii ay ku maansoon jirtay
Next articleShiikh shariif iyo Xasan Shiikh oo ku kala Kacay shir ay Nairobi ku Yeesheen