Home Wararka Maanta Dowladda Soomaaliya oo maanta saanad milatari oo leh noocyo duwan kala wareegtay...

Dowladda Soomaaliya oo maanta saanad milatari oo leh noocyo duwan kala wareegtay Ururka Midowga Yurub

0

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta saanad milatari oo leh noocyo duwan kala wareegtay Ururka Midowga Yurub, kadib munaasabad ballaaran oo maanta ka dhacday gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Wasiiru dowlaha wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi oo la wareegay saanaddan ayaa faah-faahin ka bixiyay, wuxuuna sheegay inay ka kooban tahay dhowr nooc, sida gaadiidka xamuulka ee ay adeegsadaan ciidamada qalabka sida.

Agabka milatari ee ay maanta dowladda la wareegtay waxaa kale oo kamid ah qalabka ka hortegga miinooyinka iyo kuwo caafimaad oo loogu talagalay ciidamada Xoogga dalka.

“Halkan waxaan maanta kula wareegeynaa qalab muhiim u ah ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay ku jiraan gaadiidka waa wayn ee xamuulka qaada, sidoo kale ay ku jiraan qalabkii caafimaadka oo dagaallada lagu galayay” ayuu yiri Wasiir Cumar Cali Cabdi.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaa kale oo alaabta aan la wareegnay ku jiro qalabka miinooyinka, intaan waa kasii badan qalabka laakiin waa tusaale inta aan soo bandhigtay”.

Wasiiru dowlaha wasaaradda gaashaandhigga oo hadalkiisa sii wata ayaa Midowga Yurub uga mahadceliyay taageerada ay marweliba la garab taagan yihiin ciidamada Soomaaliya.

Muddooyinkii lasoo dhaafay dowladda Soomaaliya ayaa heleysay kaalmo milatari oo caalami ah, waxaana dhawaan ay la wareegtay markab hub siday oo ay usoo dirtay Masar.

Dhammaan tallaabooyinka ayaa kusoo beegmaya, kadib qaadistii cunaqabateynta hubka ee muddada dheer saarneyd Soomaaliya, taas oo ugu dambeyn guul wayn laga gaaray.

Ad
Previous articleMaraykanka oo Dowlada iyo Dadka Soomaaliyeed ka Cafiyay $1 Bilyan oo Dollarka
Next articleGermalka oo Somaliya kala heshiiyay Celinta Qaxootiga Dalkaasi ku nool ee Sharciga Heysan