Home Wararka Maanta Dowladda Soomaaliya oo kulan Xasaasi ah la Qaadatay Hey’adda Caalamiga ee Nabad...

Dowladda Soomaaliya oo kulan Xasaasi ah la Qaadatay Hey’adda Caalamiga ee Nabad dhiska (Sawirro)

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mud. Ahmed Moallim Fiqi ayaa kulan la qaatay wafdi kasocday Hey’adda Caalamiga ee Nabad dhiska (International Organization for Peace Building).

Wafdigaan uu hogaaminayey Mudane Ahmed Abdurrahman Baadiyow (Ahmed Nabaddoon) ayaa Wasiirka lawadaagay shaqooyinka ay soo qabteen, guulihii ay ka gaareen iyo shaqooyinka hortabinta u leh oo ay doonayaan in Wasaaradda ay kala shaqeeyaan.

Wasiirka ayaa ugu mahadceliyay Hey’adda Caalamiga ee Nabad dhiska (International Organization for Peace Building) shaqooyinka ay kasoo qabteen Gobalada Dalka, isagoona carabka ku adkeeyay in ay Wasaaradda si dhaw ula shaqeyn doonta, iyadoona xooga lasaaraayo hal kudhiga Dowladda ee ah (Soomaali heshiis ah, Dunidana Heshiis la ah).

Ugu dambeyn Wasiirka iyo Wafdiga ayaa isla gartay in lasii xoojiyo wada shaqeynta ka dhaxaysa Wasaaradda iyo Hey’adda si horumar lataaban karo loogu gaaro qorshayaasha hortabinta u leh Wasaaradda oo ay ugu horeeyaan Xasilinta Deegaanada laga xureeya kooxaha Argagixisada iyo dhismayaasha Dawladaha hoose.

Madaxweynaha Galmudug oo booqasho ku tagay xarunta Hay’adda SoDMA

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta booqasho ku tegay xarunta dhexe ee Hay’adda SoDMA, waxaana xarunta ku soo dhaweeyay guddoomiyaha SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle. Madaxweynaha Galmudug

Caalamka:- Dowlada Sacudiga oo 14 Dal African ah ka joojisay Visa Cumrada

Maamulka sare ee Boqortooyada Sacuuduga, ayaa si KMG ah u hakiyay in viisooyinka cumrada, ganacsiga iyo booqashada qoysaska xilligan la siiyo dadka kasoo jeeda 14 dal , kuwaa oo kasoo

Donald Trump oo Shaaciyay Hadalo Hanjabaad ah oo ku socda Iiraan

Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump, ayaa xalay shaaca ka qaaday in dowladda Iran diyaar u tahay in ay la galaan wadahadallo toos ah ay uga wada hadlayaan barnaamijka Nukliyeerka, inkastoo

Caalamka:- Microsoft oo shaqada ka joojisay gabar indhaha caalamka qabsatay

Gabar lagu magacaabo Ibtihal Abu Saad oo u dhalatay dalka Marooko oo u shaqeeysa shirkadda Microsoft, ayaa qabsatay indhaha caalamka, kaddib markii ku dhax mudaharaaday munaasabadda sannad-guurradii 50-aad ee shirkadda

Ex Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo Geerida Jeneraal Sheegow

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka inay baaritaan dhab ah ku sameeyso Geerida ku timid Jeneraal Sheegow oo in muddo ah u xirnaa Dowladda
Ad
Previous articleDowlada Ka tirsan Yurub lacag ku bixinaya in ay tahriibayaasha si nabad ah kusoo galaan !
Next articleDharbaaxo ku dhacday William Ruto xili la isu diyaarinayo dacwad ka dhan ah guushiisa