Home Wararka Somaliya Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabtay hadalkii Musharixiinta Mucaaradka

Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabtay hadalkii Musharixiinta Mucaaradka

0

Dowladda fedaraalka ee Soomaaliya ayaa ka jawaabatya hadalo ka soo yeeray xubnaha mucaraadka oo sheegay in aysan Maxamed Cabdulahi Farmaajo u aqoonsaneyn madaxwaynaha Soomaaliya.

Musharaxiinta mucaaradka ah iyo dawlad goboleedyada Soomaaliya qaarkood ayaa sheegay in mar hadii ay dhamaatay muddo xileedkii xukuumadda federaalka ah ee dalku aanay aqoonsanayn sharciyadda madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Afhayeen xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Maclimu ayaa ku tilmaamay mid sharci daro ah hadalada ka soo yeeray xubnaha mucaaradka.

Mr Maclimu ayaa intaa ku daray in uu jiro qaraar iyo xeer ay horey u soo saareen golaha shacabka kaasi oo dhigaya in hay’adaha dastuuriga ay xilka sii haynayaan ilaa kuwa kale laga soo doorto.

” Marka hore soo jeedinta xubnaha mucaaradka ma aha mid sharci ku qotonta, sababtoo ah waxaa la ogyahay in qaraar baarlamaan uu jiro oo horey baarlamaanka hadda jooga ee 10aad ay u ansixiyeen labadiisa taasi oo ah in baarlamaanka hadda jooga waxa badalaya oo kali ah baarlamaan la soo doortay hay’adaha kale ee dastuuriga ee madaxda ay ka mid tahay waa la mid ,, ayuu yiri afhayeenka xukuumadda.

Mr Maclimu ayaa farta ku fiiqay in ilaa laga helayo madaxwayne iyo baarlamaan la soo doortay madaxda joogta ay xilka sii hayn doonaan.

” Inta madaxwayne laga dooranayo ama inta baarlamaan cusub laga dooranayo, waxaa shaqeynaya baarlamaanka hadda jira,,” ayuu intaa ku daray Mr Maclimu.

Afhayeen xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Maclimu aya dhanka kale sheegay in dowladda ay diyaar u tahay wadahadalo lagu xalinayo ismari-waaga siyaasadeed ee taagan.

Ad
Previous articleSheekh Shariif oo Farriin u diray Ciidanka Qalabka Sida ee Dowlada Somaliya
Next articleWararka Ciyaaraha ugu Danbeeyay iyo Suuqa kala iibsiga ka Akhriso Halkan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here