Home Wararka Maanta Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Keenista Qaadka Miiroowga ee Kenya

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Keenista Qaadka Miiroowga ee Kenya

0

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay warar sheegaya in dalka la keenayo Qaadka dalka Kenya ee Miirooga loo yaqaano .

Qoraal ka soo baxay Hay’aadda duulista Rayidka ayaa lagu sheegay in dalka aan la soo geli karin Qaadka dalka kenya welina ay saaran tahay xayiraaddii ay dowladda ku soo rogtay .

“Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliyeed (SCAA) waxay si sharaf leh ugu war-gelineysaa dhammaan howlwadeenada in Qaadka Mirra oo la keeno Soomaaliya ay weli mamnuuc tahay, islamarkaana Siyaasadda dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aadan soo dhoofinta Qaadka Miraa ee garoomada diyaaradaha dalka aysan waxba iska beddelin,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay Hey’adda Duulista Raydika Soomaaliya.

Warka ka soo baxay Hay’aadda duulista Rayidka ayaa sidoo kale lagu sheegay in haddii la soo geliyo dalka Jaadka Miirooga Amar la’aan ay Soomaaliya u aqoonsan doonto ku xad-gudub lagu xad gudbayo Hawadeeda .

“Soo dhoofinta Mirra, iyadoon wax ogolaansho ah laga haysan Hey’adda Duulista Raydika,  waxaa loo tixgelin doonaa tallaabo sharci darro ah iyo ku xad-gudub Hawada Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka.

Warka ka soo baxay Dowladda ayaa ku soo adaya xilli dhawaan ay xukuumadda soo celisay Xiriirkeedii diblomaansiyadeed ee kala dhaxeeyay .

Liiska Wadamada laga Mamnuucay Galitaanka Dalka Mareykanka oo lasoo Bandhigay

Sida ku xusan qorshe ay diyaarisay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee liiska casaanka ah, Mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa qorsheynaya inay adkeeyaan sharciyada gelitaanka muwaadiniinta dhowr waddan oo Carbeed, sida ay sheegtay

Magaalada Berbera Wiil Dhallinyaro ah oo Jaceyl Dartiis Dab isku Qabadsiiyay

Wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Berbera ee Somaliland ayaa dab is qabadsiiyay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo gabadh uu jacayl ka dhexeeyay Jimcihii shalay.

4 Qof oo ugu geeriyootay Xanuun aan la ogeyn Gobolka Karkaar ee Puntland

Wararka ka imaanaya Degmada Rako Raaxo oo ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dilaacay Xanuun safmara oo aan weli la aqoonsan si deg deg

Maxaa Keenay cabsida laga qabo in uu Dagaal ka dhex qarxo Itoobiya iyo Ereteriya?

Kadib muddo dhowr sano ah oo laga nastay xurguftii muddada dheer ka dhexaysay Itoobiya iyo Ereteriya, mar kale dhinacyada ayaa isku hub urursanaya, iyada oo laga cabsi qabo in dagaal

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo
Ad
Previous articleMadaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Qarax caawa Lagu laayay Saraakiil Boliis ah
Next articleQM oo shaacisay Tirada dad ku dhintay iyo kuwa ku Barakacay Roobab ka da’ay Soomaaliya