Home Wararka Maanta Dowladda Soomaaliya oo doonaysa in lagu soo Wareejiyo Maxaabiis ku xiran Suuriya

Dowladda Soomaaliya oo doonaysa in lagu soo Wareejiyo Maxaabiis ku xiran Suuriya

0

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Suuriya ayaa dadaal ugu jirta sidii loo sii deyn lahaa Soomaalida ku biirtay Daacish ee ku xiran xabsiyada ku-yaalla dalka Suuriya, sida uu sheegay Farxaan Gurxan oo ah sii hayaha safaaradda.

Farhaan Gurxan oo hadda ku sugan Xerada Al Roj, ee Waqooyiga Syria, ayaa wareysi uu siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC, wxuuu kaga hadlay tirada Soomaalida ku jirta xeryahaas iyo xaaladda ay ku sugan yihiin

“Waxaan la kulmay sarkaalka jabhadda kurdida ee gacanta ku haysa gobolkan, wuxuu ii ballanqaaday in la i gayndoono xerada Alroj ee dumarka ay ku jiraan, wuxuu kaloo ii ballanqaaday inuu ila kulansiiyo labo kamid ragga Soomaaliyeed ee xabsiyada Daacish ku jira, si aan uga wareysto xaaladda ay ku sugan yihiin,” ayuu yiri Farhaan Gurxan.

Xerada Alroj iyo xero kale oo ku dhow wuxuu sheegay in ay ku jiraan 19 dumar Soomaaliyeed ah iyo 23 carruur ah oo ay dhaleen, halka sidoo kale ay jiraan dhallinyaro rag ah oo xabsiyada ku jira oo aan tiradooda lahaynin.

Dowladda Soomaaliya ayaa doonayso in dadkaan lagusoo celiyo gudaha Soomaaliya, maadaama ay ku dhibaataysan yihiin xeryaha iyo xabsiyada dalkaas oo ay muddo sannado ah ku jiraan.

Soomaalida ku xiran xabsiyada Suuriya ayaa u badan kuwa ka yimid dalalka Yurub iyo Maraykanka, waxayna ku biireen ururka Daacish, laakiin markii ururkaas la jebiyay qaarkood way dhinteen, halka qaar kalena way xiran yihiin.

Liiska Wadamada laga Mamnuucay Galitaanka Dalka Mareykanka oo lasoo Bandhigay

Sida ku xusan qorshe ay diyaarisay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee liiska casaanka ah, Mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa qorsheynaya inay adkeeyaan sharciyada gelitaanka muwaadiniinta dhowr waddan oo Carbeed, sida ay sheegtay

Magaalada Berbera Wiil Dhallinyaro ah oo Jaceyl Dartiis Dab isku Qabadsiiyay

Wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Berbera ee Somaliland ayaa dab is qabadsiiyay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo gabadh uu jacayl ka dhexeeyay Jimcihii shalay.

4 Qof oo ugu geeriyootay Xanuun aan la ogeyn Gobolka Karkaar ee Puntland

Wararka ka imaanaya Degmada Rako Raaxo oo ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dilaacay Xanuun safmara oo aan weli la aqoonsan si deg deg

Maxaa Keenay cabsida laga qabo in uu Dagaal ka dhex qarxo Itoobiya iyo Ereteriya?

Kadib muddo dhowr sano ah oo laga nastay xurguftii muddada dheer ka dhexaysay Itoobiya iyo Ereteriya, mar kale dhinacyada ayaa isku hub urursanaya, iyada oo laga cabsi qabo in dagaal

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo
Ad
Previous articleRa’isul wasaare Rooble oo Warbixin ka dhagaystay Guddiga dhismaha waddada isku xirta Gaalkacyo iyo Hobyo {Sawiro}
Next articleRa”isul Wasaare Rooble oo Maanta Booqday Ciidamada Xooga ee la Dagaalamay Ahlusuna (Sawiro)