Home Wararka Maanta Dowladda Soomaaliya oo dib u howlgalineysa Diyaarada Somali Airline iyo Guddi la...

Dowladda Soomaaliya oo dib u howlgalineysa Diyaarada Somali Airline iyo Guddi la magacaabay

0

Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Fardowsa Osman Egal ayaa maanta magacowday gudiga dib u hawlgalinta diyaaradii  Soomaali Airlines.

Qoraal kasoo baxay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawadda ayaa lagu magacowday guddi loogu tala galay in ay kasoo talo bixiyaan dib u hawlgalinta diyaaradii Soomaali Airlines, oo muddo ka badan 30-sanno ana shaqeyn.

Dib u hawlgalinta Soomaali Airlines ayaa Soomaaliya uga dhigan guul wayn,iyadoona 30 sano ee u dambaysay ay hawlgab ahayd diyaaradu taas oo meesha ay ka saareen dagaaladii Sokeeye ee dalka ka Qarxay.

Ad