Home Wararka Maanta Dowladda Soomaaliya oo dalka Hungary ka soo celisay gabar ay qaraabo yihiin...

Dowladda Soomaaliya oo dalka Hungary ka soo celisay gabar ay qaraabo yihiin Nasro Abuukar

0

Wasiirka dhalinyarada iyo Cayaaraha Soomaaliya Maxamed Barre Maxamuud, oo shalay ay su’aalo waydiiyeen baarlamaanka Soomaaliya ayaa arrimihii wax laga waydiyay waxaa ka mid ahaa hannaankii loo maray shaqo ka joojintii guddoomiyahii Xiriirka cayaaraha Fudud ee Soomaaliya Khadiijo Aadan Daahir.

Wasiir Maxamed Barre ayaa golaha shacabka ka hor sheegay magacyada dhowr qof oo qaraabo ay yihiin gabadhii tartanka oradka uga qayb gashay Shiinaha Nasro Abuukar Cali, kuwaas oo uu sheegay in wax cad ay tahay marka ay timaado xiriirka ka dhaxeeya eedaha iyo hadal hayntii ka dhalatay fadeexaddii Soomaaliya ay kala kulantay oradkaas.

Sidoo kale wasiirku waxa uu sheegay in ay soo celiyeen gabar Khadiijo Aadan Daahir ay habar u tahay ayna u wadday dalka Hungary.

Ad
Previous articleCiidamadii ugu Badnaa oo Halmar Duulaan Qaada oo saakay Galmudug Ka Dhaqaaqay mudo 46 sano kadib
Next articleNabaddoonno uu Hogaaminaayay Sheekh Shariif oo xal ka gaaray dagaal beeleedyo lagu Hoobtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here