Home Wararka Maanta Dowladda Soomaaliya oo codsi Muhiim ah u jeedisay Jaamacadda Carabta (Sawirro)

Dowladda Soomaaliya oo codsi Muhiim ah u jeedisay Jaamacadda Carabta (Sawirro)

0

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Md. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta ka qayb-galay shir ay si wadajir ah u soo qaban-qaabiyeen Jaamacadda Carabta iyo Qaramada Midoobay oo ka dhacay xarunta Jaamacadda Carabta Qaahira ee dalka Masar, kaasoo looga hadlayay Abaaraha, badqabka cuntada iyo u adkaysiga is-beddelka cimilada.

Ergeyga oo furitaankii shirka khudbad ka jeediyey ayaa sheegay in dadaalkii Dowladda Soomaaliya ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hormuudka u ahaa, deeqihii ka yimid dalalka deeq-bixiyayaasha ah iyo ka go’naanshihii hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah lagaga hor-tegey macluul la saadaalinayay in ay dalka ka dhacdo sanadkan.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu sidoo kale xusay in weli ay halistii taagan tahay, maadaama xilli roobaadkii 5-aad uu ka hooseeyo heerkii la rabay, sanadka soo socdanna aan la hubin gargaarka ka imaanaya dalalka deeqaha bixiya, wuxuuna Dowladaha iyo hay’adaha shirka ka qeyb galay ku boorriyay in ay gurmadka qeyb ka noqdaan.

Ergayga wuxuu kaloo sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay wax ka badan gargaar degdeg ah, taasoo ah in garab lagu siiyo sidii ay uga faa’iidaysan lahayd khayraadka dalka, sida in la helo maalgelinta mashaariic dhisaya u adkaysiga aafooyinka iyo la qabsiga is-beddelka cimilada si looga maarmo ku tiirsanaanta gaargaarka iyo gurmadka bani’aadannimada.

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha oo qaybaha muhiimka ah ee shirka guddoominayey ayaa Dawladaha Carabta ugu baaqay in ay garab istaagaan Dawladda Soomaaliya si ay uga gudubto caqabadaha hortaagan, awoodna ugu yeelato in ay dadkeeda gagaar iyo gurmad la gaarto, una fuliso mashaariic horumarineed oo dadka wax tar u ah.

Waxaa Ergeyga shirka ku wehliyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheekh Cumar, Guddoomiye ku xigeenka Hay’aada Maareynta Musiibooyinka – SoDMA, Dr. Axmed Cabdi Aadan iyo saraakiil kale oo ka socday SoDma iyo Wasaaradda Biyaha iyo Tamarata XFS.

Xubno ka Tirsan Kooxda Shabaab oo lagu dilay Jubbada Hoose

Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa daraawiishta Jubaland ay iska kaashadeen howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al shabaab. Howlgalkaan ayaa ka

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,
Ad
Previous articleDadka Aqoonta leh oo Sharciga Deganaashaha Rasmiga la siinayo, Dowlada Sweden oo Xooga Saareysa
Next articleWasiirka Gaashaandhigga oo gaaray Adis Ababa Hub iyo Rasaasna u doontay Xili Dagaal adag lagula jiro Alshabaab(Sawirro)