Home Wararka Somaliya Dowladda Soomaaliya oo Cambaaraysay Go’aankii Golaha Amniga Midowga Afrika

Dowladda Soomaaliya oo Cambaaraysay Go’aankii Golaha Amniga Midowga Afrika

0

Shir jaraa’id oo uu goor dhow qabtay Wasiirka Warfaafinta dowlada federalka Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa ugaga hadlay baaqii ka soo baxay golaha ammanka iyo midowga Afrika.

Wasiir Dubbe ayaa shirkiisa jaraa’id ku xusay in hore ay shaki uga qabeen shirkaa oo ay shir guddoominaysay dowlada Jabuuti ayna tifatire ka ahayd dowlada Kenya.

Hase yeeshee Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in dowlada ay soo dhoweyneyso balse ay soo dhoweeyso qodobka ah in ergey gaar ah Midowga Afrika uu u soo magacaabo dalka Soomaaliya.

“Dowladaha kenya iyo jabuuti ayaa dadaal dheer ku bixiyay go’aanada shirkaa balse waxaan la yaabanahay dowlada Jabuuti maadaama khilaaf uu hore uga dhexeeyay dowlada Kenya.”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta  Dubbe.

“Dowlada Jabutti waxa ay sii wadaa wixii aan hore ugaga digney afar sano kahor,kursiga ay Jabuutiku fadhido ee guddoonka Golaha Ammaankana Soomaaliya ayaa xaq u lahayd balse Jabuuti si walaaltinimo ah ayaan ugu ogolaatay Jabuuti.”ayuu yiri Dubbe.
Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in goluhu cambaareeyay go’aan ay gaareen golaha shacabka.

“Majiro urur cambaareyn karo dal madax banaan,waana sharci darro mana soo dhoweyneyso dowlada soomaaliya cambaareynta loo soo jeediyay golaha shacabka .”ayuu yiri wasiirka warfaafinta.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay inaysan soo dhoweyneyn qodobka ah in ciidamada AMISOM ay la socdaan dhaqdhaqaaqa ciidamada soomaaliya.

“Waa arrin la yaab leh qodobkaas waana sharci darro, waxa uu si cad uga horimaanayaa waajibaadka shaqo ee amisom ee ah qaraarka 2568 ee ka soo baxay golaha amaanka qaramada midoobay,”ayuu sii raaciyay wasiirka.

 

Ad
Previous articleGalmudug oo Ciidan geysay Deegaano ka tirsan Mudug oo Shabaab ku suganyihiin
Next articleWasaaradda Amniga Soomaaliya oo Guddi u Magacaawday Dhacdadii Garoonka (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here