Home Wararka Maanta Dowladda Soomaaliya oo cafis u fidisay Maxaabiis u xirnaa

Dowladda Soomaaliya oo cafis u fidisay Maxaabiis u xirnaa

0

Dowladda Soomaaliya ayaa xabsiyada ka sii daysay maxaabiis kuwaasoo uu cafis u fidiyay Madaxweynaha muddo xileedkiiso dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa xabsiga Dhaxe iyo Xabsiga MBC kasii daayay maanta 179 maxbuus oo ku xukunaa danbiyo kuwaasi oo madaxweynaha JFS uu u fidiyay cafis munaasabadda Ciidda awgeed.

Xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa sheegay in maxaabiista maanta laga siidayay xabsiga ay ku eedeysanaayeen dambiyo fudud.

Waxaa uu tilmaamay in maxaabiista intii ay xabsiga ku jireen in la baray waxyaabo ay kamid yihiin Farsamada gacanta.

Sidoo kale waxaa dhawaan laga sii daayay xabsi ku yaal magaalada Baydhabo illaa toban maxbuus oo uu cafis u fidiyay madaxweynaha maamul goboleedka Koofurgalbeed Cabdicasiis Xasan Laftagareen.

Liiska Wadamada laga Mamnuucay Galitaanka Dalka Mareykanka oo lasoo Bandhigay

Sida ku xusan qorshe ay diyaarisay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee liiska casaanka ah, Mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa qorsheynaya inay adkeeyaan sharciyada gelitaanka muwaadiniinta dhowr waddan oo Carbeed, sida ay sheegtay

Magaalada Berbera Wiil Dhallinyaro ah oo Jaceyl Dartiis Dab isku Qabadsiiyay

Wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Berbera ee Somaliland ayaa dab is qabadsiiyay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo gabadh uu jacayl ka dhexeeyay Jimcihii shalay.

4 Qof oo ugu geeriyootay Xanuun aan la ogeyn Gobolka Karkaar ee Puntland

Wararka ka imaanaya Degmada Rako Raaxo oo ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dilaacay Xanuun safmara oo aan weli la aqoonsan si deg deg

Maxaa Keenay cabsida laga qabo in uu Dagaal ka dhex qarxo Itoobiya iyo Ereteriya?

Kadib muddo dhowr sano ah oo laga nastay xurguftii muddada dheer ka dhexaysay Itoobiya iyo Ereteriya, mar kale dhinacyada ayaa isku hub urursanaya, iyada oo laga cabsi qabo in dagaal

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo
Ad
Previous articleRa’iisul Wasaare Rooble oo Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in la is caawiyo
Next articleBanaanbax Maanta ka dhacay Magaalada Galkacyo