Home Wararka Somaliya Dowladda Soomaaliya oo Caawa Shaacisay in Alshabaab ay dileen ikraan Tahliil

Dowladda Soomaaliya oo Caawa Shaacisay in Alshabaab ay dileen ikraan Tahliil

0

Taleefishinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa goordhow baahiyay in Ikraan Tahliil Faarax in ay dileen ururka Alshabaab.

Qoraal lagu daabacay bogga taleefishinka qaranka ayaa waxa uusan faahfaahin ka bixin halka lagu diley iyo goorta la dilay.

Warkan ka soo baxay dowlada federalka ayaa ku soo beegmaya kadib markii maanta barnaamij gaar ah ay laanta afka soomaaliga ee VOA ka sameysay Ikraan Tahliil.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka ka soo baxay dowlada federalka;

Ujeeddo: Warbixin iyo Tacsi.

Ikraan Tahliil Faarax oo ahayd xubin ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo
Nabadsugidda Qaranka ayaa warkeeda la waysanaa ilaa 26/6/2021.
HSNQ dabagal ay samaysay oo muddo socday kadib, ayaa lagu helay warbixin
muujinaysa in ay u gacan gashay Argagixisada arxan laawayaasha ah ee Al-Shabaab, kadibna ay dileen.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa gal-baariseedka kiiska Ikraan oo faah-faahsan ku wareejisay Hay’adaha ay khuseyso. Waxaa sidoo kale ay Hay’adda Sirdoonka Qaranku la wadaagtay warbixintan Qoyskeeda.

HSNQ ayaa uga tacsiyeynaysa qoyska, ehelada, iyo dhammaan xubnaha Hey’adda, falka foosha xun oo ay argagaxisada Alshabab ku dileen Marxuumad Shahiid Ikraan Tahliil. Ilaahay Ha u naxariisto.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa ku daba jirta dhagar qabayaashii geystay falkaas arxan darrada ah, sharciga ayaana la hor keeni doonaa Insha Allaah.

INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN.

Ad
Previous articleSoomaali ku nool Oslo oo ka hortagay weerar mindi ah oo uu geysan lahaa Wiil Soomaali ah
Next articleC/raxmaan C shakuur “Qof kasta oo Dowladda u shaqeeya Alshabaab inay dilaan waa u Fududahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here