Home Wararka Maanta Dowladda Soomaaliya oo arrin layaab leh ku aragtay Deegaan Al Shabaab Dagaal...

Dowladda Soomaaliya oo arrin layaab leh ku aragtay Deegaan Al Shabaab Dagaal Culus kula Galeen

0

Dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helayay kuwa deegaanka iyo dagaalyahanada Al Shabaab ayaa khamiistii ka dhacay deeegaan lagu magacaabo Ceel Hareeri oo kuyaalla gobolka Hiiraan.

Dagaalkan labada dhinac dhax maray ayaa dhaliyay khasaaro aad u badan, waxa ayna dowladda Soomaaliya shaacisay in dagaalkaasi lagu dilay in ka badan 100-dagaalyahan, waxaana lasoo bandhigay meydadka dagaalyahanada lagu dilay qaarkood.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga General C/laahi Cali Caanood oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in dagaalkaasi markii uu dhammaaday kaddib ciidamada dowladda arrin layaab leh ku arkeen goobtii dagaalka ka dhacay.

Waxa uu sheegay afhayeenka in ciidamada arkeen meydadka xubno katirsan Al Shabaab oo lugaha silsilado uga xirnaayeen, waxa uuna xusay in dadkaasi Al Shabaab ugu tala galeen in aysan cararin balse qaarkood dagaalka lagu dilay halka kuwa kalan aduqeyn ku dhinteen.

” Dagaalkii ka dhacay Ceel Hareeri markii uu istaagay, meelihii cadawga difaaca uga jireen ayey galeen ciidamada si ay dhaawac ka helaan waxii dhimasho ahna ka aruuriyaan, waxa ay arkeen ciidamada arrin layaab leh oo ah dhallinyaradii Al Shabaab soo hubeeyeen oo toban toban iyo shan shan katiinad lugaha isaga xiran kuwaa oo dagaalka lagu dilay, taasi waxa ay daliil u tahay in wiilashaasi Shabaab soo raafeen ayna diidan yihiin in ay baxsadaan ayna uga gon leeyihiin in la dilo ” ayuu yiri Jeneraal Caanood

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegay in dadka dagaalka lagu laayay kaliya aysan aheyn Al Shabaabkii dhabta ahaa balse ku jireen dhallinyaro xoolo dhaqato ah oo Al Shabaab dagaalka qasab kusoo galiyeen

Warar laga helayo dagaal culus oo ka socda Galbeedka gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu haatan dagaal beeleed xoogan uu ka socdo inta u dhaxeysa deegaanada Jiicboor iyo Saax qurun oo dhaca Galbeedka gobolka Mudug. Dagaalkaan oo

Maamulka Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay xubno kasoo baxsaday Kooxda Al shabaab

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Afar Xubnood oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Booliiska Gaar ahaan laanta Baarista Dembiyada CID-da ee Gobolka Bay.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada
Ad
Previous articleAbshir Macallin Idiris oo isku soo dhiibay ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya
Next articleImran Khan oo shaaciyay Magacyada Masuuliyiin ka dambeesay Weerarkii lagu dhaawacay