Home Wararka Maanta Dowladda Soomaaliya iyo Masar oo go’aan ku gaaray inay si wadajir ah...

Dowladda Soomaaliya iyo Masar oo go’aan ku gaaray inay si wadajir ah u sameeyaan dhoolatus milatari

0

Dowladda Soomaaliya iyo Masar ayaa go’aan ku gaaray inay si wadajir ah u sameeyaan dhoolatus milatari, xilli ay xiisad xooggan ka taagan tahay gobolka.

Dhoolatuskan ayaa la filayaa in la qabto bishan dhexdeeda, ayada oo ay ka qeyb qaadan doonaan ciidamada dhulka, cirka iyo badda ee labada dal, sida laga soo xigtay illo dhanka ammaanka oo ku dhow Masar.

“Dhoolatusku wuxuu diri doonaa fariin cad oo ku saabsan sida ay nooga go’an tahay iskaashiga iyo ilaalinta Soomaaliya. Waxay macnaheedu noqon doonaan wax ka badan kaliya dhoolatus dagaal,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha ammaanka dalka Masar.

Soomaaliya iyo Masar ayaa dhawaan gaaray heshiis dhanka difaaca, ayada oo uu bilowday qorshe ay ciidamada Masar uga qeyb noqonayaan howl-galka cusub ee nabad ilaalinta Soomaaliya.

Xogta dhoolatuskan wadajirka ah ayaa soo baxeysa maalin uun kadib markii Qaahir ay sheegtay inay Golaha Ammaanka ee QM u gudbisay qoraal ay uga hortimid wax ay ugu yeertay “siyaasadda halka dhinac ee Itoobiya ee ku aaddan biyo xireenka Gerd.”

Qaahira ayaa diiday inay Itoobiya ku sii socoto dhamaystirka dhismaha biyo xireenka iyo buuxinta kaydkeeda, iyada oo aan laga tashi galin Masar.

Si kastaba, dhoolatuskan ayaa u muuqda mid muujin kara in uu sii kordhin karo xiisadda u dhaxeysa labada dal ee Jaamacadda Carabta iyo Itoobiya, sida ay saraakiisha ammaanka u sheegeen The National.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleCiidamada Booliska Soomaaliya oo maanta soo xiray askari isbaaro dhigtay duleedka magaalada Muqdisho
Next articleWar Deg Deg ah:Hoggaamiyaha mucaaradka Uganda Bobi Wine oo toogasho lagu dhaawacay