Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed C/risaaq ayaa wada hadal khadka taleefanka la yeeshay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Sheekh Mohamed Bin Abdurahman Al Thani, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.
Dowladda Qatar ayaa aheyd taageeraha ugu weyn ee dhinaca dhaqaalaha afartii sano ee Maamulka Madaxweyne Farmaajo.
Hase yeeshee waxaa jira hoos u dhac ku yimid xiriirka labada wadan tan iyo markii uu dalka Ra’iisul Wasaare ka noqday Maxamed Xuseen Rooble.
Dowlada Qadar ayaa dhawaan ka shaqeysay sidii dib loogu soo celin lahaa xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.
Ad