Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Dowladda Oo Sheegtay Wadada Kaliya Ee U Banaan Shabaabka Lagu Hareereeyay Hiiraan.

Dowladda Oo Sheegtay Wadada Kaliya Ee U Banaan Shabaabka Lagu Hareereeyay Hiiraan.

0

Dowladda Soomaaliya ayaa faah faahisay howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda deegaano badan oo kamid ah gobolka Hiiraan, iyadoo howlgalada ay curteen kadib markii kooxda Al-Shabaab ay laba jibaareen beegsiga dadka shacabka ah.

Qoraal ka soo baxay wasaarada warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay iney si habsami leh u socdaan howlgaladan, iyadoo lagu sheegay in deegaano dhowr ah looga qabsaday kooxda Al-Shabaab, khasaare dhimasho iyo dhaawacba lehna la gaarsiiyay.

“Ciidanka Xoogga oo ku raad-joogay firxadka maleeshiyaadka naf la caariga ah ee Al Shabaab oo looga soo adkaaday dagaaladii ka dhacay gobolka, oo ay iska kaashanayeen ciidanka qaranka iyo dadka deegaanka ee lagu xoreeyay deegaano badan ayaa sameeyay hawlgalkani, si loo ciribtiro dhagarqabeyaasha baxsadka ah ee lagu jebiyay dagaalka. Ciidanka ayaa weli wada hawlgalo is daba-joog ah, si loo xaqiijiyo argagixisada arxanlaaweyaasha ah in aanay helin goobo ay gabaad ka dhigtaan.” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.

Dowladda ayaa sheegtay in wadada kaliya ee u banaan dhalinyarada Shabaab ka dhinac dagaalameysa ay tahay iney isu soo dhiibaan dhanka dowladda, hadii ay taasi diidaanna ay dharbaaxo culus la kulmi doonaan.

“Ma jirto waddo aan ahayn inay isa soo dhiibaan oo u furan dhallinyarada ay argagixisadu khaldeen. Dowladda Somaliya oo kaashanaysa dadkeeda waxaa ka go’an in ay soo afjarto cadowga arxanka daran ee Al Shabaab.” Ayaa lagu yiri warka

Si kastaba, wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaraya Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamadda dowladda oo garab ka helaya dadka deegaanka ay shan ka mida maleeshiyada Al Shabaab ku dileen Buuraha Camal, oo 20km u jira deegaanka Halgan.

Booliska Dalka Australia oo ka War-bixiyay Wiil Soomaali ah ay toogteen

Booliska dalka Australia ayaa faah faahin ka bixiyay sababihii ka dambeeyay inay toogtaan wiil Soomaali ah waxaana ay sheegeen ay toogasho ku dileen nin ka mid ah Soomaalida ku nool

Madaxweynaha SSC Khatumo oo Sheegay Inay Doonayaan in dadka reer Sanaag ay wax wada dhistaan

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Aw Cali Firdhiye, ayaa sheegay inuu doonayo in dadka reer Sanaag ay la dhistaan maamulkiisa, si hal maamul ay u wada yeeshaan. Wuxuu sheegay inay wadaan

Dowladda Uganda oo ku baaqday in dib u heshiisiin loo sameeyo Madaxda Dowladda Federaalka

Dowladda Uganda ayaa ku baaqday in dib u heshiisiin loo sameeyo Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka, si loo soo afjari xiisad siyaasadeed ee ka dhexeysa Dowladda

Doonyo Hub u Siday Shabaab oo lagu Duqeeyay Biyaha Somaliya

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in ay duqeymo dhanka cirka biyaha dalka Soomaaliya taariikhdu markay ahayd Abriil 16, 2025 iyadoo lala kaashanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Duqeymahan ayaa

Madaxweynaha Mareykanka oo Kulan la yeeshay Raisal Wasaaraha Israel

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Talaadadan sheegay in wada hadal wax ku ool ah uu la yeeshay Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu. Madaxweynaha Mareykanka ayaa khadka teleefanka kula hadlay Raysal
Ad
Previous articleWasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Oo Muqdisho Kula Kulmay Mas’uuliyiin Ka Socotay Dowladda UK(Sawiro)
Next articleWasiirka Abshir Cumar Jaamac oo faah faahin ka bixiyey shirka Qaramada Midoobay ee ka furmay waddanka Mareykanka(Sawiro)