Home Wararka Maanta Dowladda Oo Ruqsada Shaqo Kala Noqoneysa Nootaayooyin Al-Shabaab Xogta Siiya

Dowladda Oo Ruqsada Shaqo Kala Noqoneysa Nootaayooyin Al-Shabaab Xogta Siiya

0

Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya ayaa uga digtay maamulada Nootaayooyinka Muqdisho iney kooxda Shabaab u gudbiyaan xogta dadka dhulalka iyo guryaba kala gata ee ay iyaga u kala wareejiyaan.

Sida xogaha la helayo ay muujinayaan waxaa jira amar ay dul dhigtay Nootaayooyinka, kuwaasoo xogta guryaha iyo dhulalka ay kala wareejiyaan oo ay ku jiraan xiriirka dadka kala wareejista ay siiyaan Shabaab, iyadoo kooxdaasi ay toos u soo wacdo dadka wax kala wareejista oo ay lacago ka qaataan.

“Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka waxaa soo gaartay cabasho ka timid qaar ka mid ah Dadweynaha Soomaaliyeed, kuwaasoo ka cabanaya in qaar ka mid ah Nootaayooyinka Magaalada Muqdisho ay xogtooda la wadaagaan Ururada Argagixisada, sida Khawaarijta Al-Shabaab taasoo ah fal dembiyeed weyn,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda.

Sida ku cad qoraalka wasaarada, waxaa ruqsada shaqo lagala noqon doonaa Nootaayadii ay arrintan kusoo cadaato, iyadoo kiiska loo gudbiyay hay’adaha amniga oo baaritaano ku wado.

“Haddaba, Wasaaraddu waxay u gudbisay Hay’adaha Amniga Qaranka cabashooyinka muwaadiniinta Soomaaliyeed ay soo gudbiyeen si baaris loogu sameeyo dhacdooyinkaas. Wasaaradda iyadoo gudaneysa waajibaadkeeda ku qeexan xeerka Nootaayooyinka waxay ruqsadda kala noqoneysaa Nootaayooyinka lagu helo fal-dembiyeedyo lid ku ah sharciga..” ayaa la sii raaciyay qoraalka.

Wasaaradda ayaa ku wargelisay dhammaan mas’uuliyiinta leh nootaayooyinka dadweynaha in xogta macaamiishooda oo ay la wadaagaan argagixisada tahay fal-dembiyeed weyn oo xad-gudub ku ah shuruucda iyo dastuurka dalka, falkaas oo noqonaya gacan-siin ama la-shaqeyn argagixiso oo cad.

Qof kasta oo lagu helo gacan-siinta argagixisada wuxuu muteysanayaa ciqaabta ku qeexan Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed (XCS) iyo Xeerarka kale ee dalku leeyahay,” ayey tiri wasaaradda

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleP.M oo Itoobiya Kula Kulmay Ciyaartoydii Soomaaliyeed ee Guusha Soo Hooyay(Sawiro)
Next articleCiidamo kale oo Ka Yimid Galmudug oo Gaaray Degaanka Yasooman(Sawiro)