Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Dowladda Mareykanka oo Maamulada Dalka Ugu Baaqday Bilaabida Doorashooyinka Dalka

Dowladda Mareykanka oo Maamulada Dalka Ugu Baaqday Bilaabida Doorashooyinka Dalka

0

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa ku boorisay shanta Madaxweyne Dowlad Goboleed inay dhameystiraan doorashada Golaha Shacabka.

War kasoo baxay Safaarada mareykanka ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay doorasho  loo dhan yahay, laguna kalsoonaan karo ka hor dhammaadka sanadkan 2021, isla markaana hannaanka doorashada uu noqdaa mid la dardar geliyo.

“Waxaan ku boorineynaa Madaxweyne SaidAbdullah, Madaxweyne Madoobe, Madaxweyne Qoorqoor , Madaxweyne GudlaweHussein iyo Madaxweyne Laftagareen
si loo dhamaystiro doorashada Golaha Shacabka oo loo dhan yahay laguna kalsoonaan karo ka hor dhamaadka 2021. Waa in la dardar geliyo hanaanka doorashada” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Safaaradda Mareykanka.

Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa si weyn dib ugu dhacday waxaana soo baxayay maalmihii lasoo dhaafay sidii si deg deg ah loogu bilaabi lahaa doorashada oo ah mid muhiim ah.

Labadii kursigii ee ugu horreysay ee xildhibaanada golaha Shacabka ayaa dhawaan lagu doortay Muqdisho, waxaana ka muuqatay daahfurnaan la’aan ah.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka
Ad
Previous articleMuwaadiniinta Mareykanka ee Itoobiya ku sugan oo loogu Baaqay inay ka Baxaan Dalka
Next articleDuqa Gaalkacyo ee Galmudug Cabdiraxmaan Sheekh Xasan oo ka Hadlay Abaarta Gobolka