Dowladda Mareykanka ayaa $2 Milyan oo Dollar ugu deeqay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, si ay u xoojiyaan dagaalka Al-Shabaab.
Sii-hayaha Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, Shane Dixon oo ka hadlay kaalmadan lacageed ayaa shaaca ka qaaday in lagu maalgelin doono gaadiidka iyo daadgureynta daawaynta ciidamada Xoogga Soomaaliyeed iyadoo la raacayo waajibaadka UNSOS.
“Waa muhiim in ciidamada ammaanka ee Soomaaliya iyo kuwa ATMIS ay helaan taageerada saadka ee loo baahan yahay si looga adkaado al-Shabaab goobaha dagaalka,” ayuu yiri Shane Dixon.
“Waan ku hanweynahay inaan taageerno UNSOS, oo ah saaxiibka muhiimka ah ee Mareykanka iyo Soomaaliya hadafkeenna aan wadaagno ee horumarinta nabadda.” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Sii-hayaha Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho.
Mareykanka ayaa kamid ah dalalka sida tooska ah uga qayb qaato dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, wuxuuna dhanka hawada ka taageera ciidamada la dagaalamaya Al-Shabaab.