Home Wararka Maanta Dowladda Kenya ayaa maanta qaaday tallaabo u muuqata inay aqoonsatay Somaliland

Dowladda Kenya ayaa maanta qaaday tallaabo u muuqata inay aqoonsatay Somaliland

0

Dowladda Kenya ayaa maanta qaaday tallaabo u muuqata inay aqoonsatay Somaliland oo hadda ay ula macaamileyso sida dal madax-banaan oo kale. 

Amara madaxweyne oo kasoo baxay madaxweynaha dalkaas William Ruto ayaa lagu sheegay in Kenya ay safaarad ka furaneyso Somaliland, taasi oo qeyb ka ah isku day lagu ballaarinayo howlgallada diblomaasiyadeed ee Kenya ee dalalka kale ee caalamka. 

Amarkan, oo tirgiisu yahay Executive Order No.1 of 2023, ayaa safaarado ama qunsuliyado looga furi doonaa magaalooyinka Djibouti, Bern, Arusha, Goma, Jakarta iyo Hargeysa. 

Safaaradaha Jabuuti, Jakarta (Indonesia), iyo Hargeysa ayaa noqon doona kuwii ugu horreeyey sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibedda. 

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo 7-dii September 2021 ay Kenya Somaliland u magacoway madaxa xafiis siyaasadeed, xilli uu khilaaf xooggan kala dhaxeeya madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Hase yeeshee, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii dib loo doortay dadaal u galay inuu hagaajiyo xiriirka labada dal, isaga oo Kenya tegay laba mar, oo mar uu la kulmay Uhuru Kenyatta inta aanu xafiiska ka tegin, marna William Ruto markii la doortay.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale xayiraadda ka qaaday qaadka Kenya, oo ay xanibtay dolwaddii Farmaajo, ayada oo taa beddelkeeda ay Kenya ballan-qaaday inay fududeyso dal-ku-galka iyo socodka muwaadiniinta Soomaaliyeed, balse aysan ka dhabeyn.

Kaaga sii daran, waxay hadda Xasan Sheekh ugu abaal-guday inay safaarad ka fureyso Hargeysa, taasi oo dhaawac xooggan gaarsiin karta xiriirka labada dal. 

Heshiiskii uu Xasan Sheekh la galay Uhuru Kenyatta iyo William Ruto ayaa waxaa hadda muuqaneysa inuu ahaa mid dhinac u raran oo u faa’iideeyey kaliya Kenya, islamarkaana Soomaaliya ay ka dheeftay kaliya sawirro la qaaday. 

Ma cadda waxa uu hadda Xasan Sheekh uga jawaabi doona tallaabada Kenya, iyo haddii uu leeyahay karti uu ku qaadi karo tallaabo uu ku ciqaabayo Nairobi. 

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo

NISA oo faah faahin ka bixisay duqeymo 24 kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay Shabeelooyinka

War ay soo saartay Hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga dalka ay

Dowladaha Itoobiya iyo Israa’iil oo iska Caawinaya la dagaalanka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta

Dowladda Israa’iil ayaa Itoobiya ka codsatay inay iskaashi ka sameeyaan la dagaalanka argagixisada Bariga Dhexe iyo Afrika, iyagoo argagixisada ku tilmaamay cadow ay wadaagaan labada dal. Shir jaraa’id oo ay

Nin Qof Shacab ah Dilay oo lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

Booliiska Somaliland ayaa Khamiistii soo qabtay nin lagu eedeynayo inuu qof kale ku dilay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka Booliiska ayaa lagu

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa
Ad
Previous articleWasiirka Waxbarashada Oo Ka Mahadceliyey 450 Deeq Waxbarasho Ah, Oo Ay Masar Sannad Kasta Siineyso Soomaaliya
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Abaabul Dagaal oo Ka Socda Gobalka Mudug iyo Alshabaab oo inta Badan ka Baxay Deeganada Galmudug