Home Wararka Maanta Dowladda Isu Tegga Imaaraadka Carabta ayaa warsaxaafadeed ka soo saartay weerarkii cuslaa...

Dowladda Isu Tegga Imaaraadka Carabta ayaa warsaxaafadeed ka soo saartay weerarkii cuslaa ee saldhiga Ceel Baraf Balanqaadna Samaysay

0

Dowladda Isu Tegga Imaaraadka Carabta ayaa warsaxaafadeed ka soo saartay weerarkii cuslaa ee dhowaan lagu qaaday saldhiga ciidanka Burundi ee qaybta ka ah ATMIS eeĀ  deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Abu Dhabi ayaa waxaa marka hore tacsi loogu diray dowladda iyo shacabka Burundi oo askar badan laga dilay.

Sidoo kale warkaĀ  wasaaradda arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta ayaa waxaa si weyn loogu cambaareeyey falalka dambiyada ah iyo rabshadaha argagixisada.

Imaaraadka ayaa intaasi, kadib ballan qaad culus u sameeyey ATMIS, wuxuuna sheegay inuu si buuxda u garab istaagi doono howlgalkan oo ah mid KMG ah.

ā€Wasaaraddu waxay xaqiijisay inay si buuxda u garab taagan tahay Hawlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, si loo gaaro amniga iyo xasilloonida dalka,ā€ ayaa lagu yiri warka qoralka ah ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta.

Sida ay werisay warbaahinta taageerta Al-Shabaab 173 askari ayaa ciidanka Burundi looga dilay weerarkii Ceel-Baraf, waxaana jirta askar nolosha lagu qabtay, inkastoo aysan tiradooda shaacin Al-Shabaab.

Liiska Wadamada laga Mamnuucay Galitaanka Dalka Mareykanka oo lasoo Bandhigay

Sida ku xusan qorshe ay diyaarisay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee liiska casaanka ah, Mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa qorsheynaya inay adkeeyaan sharciyada gelitaanka muwaadiniinta dhowr waddan oo Carbeed, sida ay sheegtay

Magaalada Berbera Wiil Dhallinyaro ah oo Jaceyl Dartiis Dab isku Qabadsiiyay

Wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Berbera ee Somaliland ayaa dab is qabadsiiyay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo gabadh uu jacayl ka dhexeeyay Jimcihii shalay.

4 Qof oo ugu geeriyootay Xanuun aan la ogeyn Gobolka Karkaar ee Puntland

Wararka ka imaanaya Degmada Rako Raaxo oo ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dilaacay Xanuun safmara oo aan weli la aqoonsan si deg deg

Maxaa Keenay cabsida laga qabo in uu Dagaal ka dhex qarxo Itoobiya iyo Ereteriya?

Kadib muddo dhowr sano ah oo laga nastay xurguftii muddada dheer ka dhexaysay Itoobiya iyo Ereteriya, mar kale dhinacyada ayaa isku hub urursanaya, iyada oo laga cabsi qabo in dagaal

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo
Ad
Previous articleMusharixii labaad ee Qaatay Shahaada Musharaxnimo ee Madaxweynaha Soomaaliya
Next articleDeni oo Dhabar jabin lama Filaan ah kala kulmay Xildhibaanada Puntland iyo Jubaland oo uu Ku Tashanaayay