Home Wararka Maanta Dowladaha Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo Saacado Badan kadib Ka Hadlay Doorashadii...

Dowladaha Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo Saacado Badan kadib Ka Hadlay Doorashadii Xasan Shiikh

0

Ku-simaha madaxweynaha ahna ra’iisul wasaaraha Imaaraadka Carabta Sheikh Mohamed Bin Rashid Al Maktoum ayaa dhambaal furan oo hambalyo ah usoo diray madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, sida ay daabacday Wakaaladda Wararka Imaaraadka Carabta ee WAM.

Sheikh Mohamed ayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u rajeeyay in uu alle ku guuleeyo mas’uuliyadda culus ee ka saaran dalkiisa, maadaama baarlamaanka uu u gartay in uu noqdo madaxweynaha Soomaaliya.

Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Imaaradaha Isu-tagay ayaa dhankooda hambalyo iyo bogaadin u diray madaxweynaha Soomaaliya ee aan weli si rasmi ah ula wareegin Aqalka Dalka looga arrimiyo ee Villa Somalia.

Dhinaca kale, Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa hambalyo ku aadan doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya u diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Amiirka ayaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya u rajeeyey guul iyo in la xoojiyo xiriirka labada dal ka dhaxeeya iyo horumarka.

Ku-xigeenka Amiirka dalka Qatar Sheekh Abdullah bin Hamad Al-Thani ayaa dhankiisa hambalyo u diray Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo doorashadiisa dhawaan ka dhacday Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 15-kii May 2022 ku guuleystay Madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya, waa markii labaad ee loo doortay Xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa waxaa horyaalla shaqooyin adag oo ay kamid yihiin wax ka qabashada Amniga, Dhaqaalaha, hagaajinta siyaasadda, xiriirka caalamiga ah, arrimaha bani’aadamnimada iyo hirgelinta doorasho qof iyo cod ah.

Qatar iyo Imaaraadka Carabta ayaa ah labada dal ee sida xooggan ugu loolamay siyaasadda Soomaaliya, muddadii uu xilka hayey madaxweyne Farmaajo oo la safnaa Qatar, halka Imaaraadka ay ku xirnaayeen maamullada Jubaland iyo Puntland.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa bilihii tegay dib u hagaajiyey xiriirka Imaaraadka, isaga oo ka ralai-geliyey lacag looga qabtay garoonka Muqdisho bishii April 2018.

 

 

Muqdisho oo Laga Ambabixiyay Ciidan ka tirsan Booliska oo ku Wajahan Jiidaha Dagaalka:- Sawiro

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu wehliyo Taliye ku xigeenka Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed ayaa Magaalada Muqdisho ka sagootiyey Ciidamo Boliiska katirsan oo ku

Madaxweyne Xasan Shiikh oo la kulmay hogaanka howlgalada ciidanka Cirka ee Somaliya :- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Hoggaanka Howlgallada Ciidamada Cirka Soomaaliyeed ayaa ka dhagaystay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan

Dowlada Somaliya oo Lagu Wareejinayo Diyaaradaha Turkiga ee Bayraktar Akıncı

Somalia ayaa heli doontaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar Akıncı ee casriga ah ee Turkiga si ay uga caawiyaan Ciidanka Xoogga dalka dagaalka ka dhanka ah Alshabaab. Akıncı waxay

Lacagta Dollarka Mareykanka oo Wajaheysa Hoos u Dhicii ugu Xumaa ee Taariikhda

Dollarka Mareykanka ayaa wajahaya hoos u dhicii ugu xumaa tan iyo sanaddii 2008-da, iyadoo ay sii kordhayso welwelka ku saabsan in siyaasadaha dhaqaalaha iyo arrimaha dibadda ee aan la saadaalin

Dowlada Mareykanka oo Sabab u Noqotay Xil ka badelka lagu Sameeyay Wasiirka Gaashaandhigga

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa isku shaandheyn iyo is beddel ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa Wasiiradda, waxa uuna xilka ka qaaday kana saaray meesha labo Wasiir,
Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Kulankii ugu Horeeyey La Qaatay Farmaajo
Next articleVilla Soomaaliya oo Dhambaalo Hambalyo ah Gudoonsiiyay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamud