Home Wararka Maanta Dowlada Xasan Shiikh oo Fadaxeed Culus Dhexda Ka Taagan xilli musuq-maasuqa...

Dowlada Xasan Shiikh oo Fadaxeed Culus Dhexda Ka Taagan xilli musuq-maasuqa sii xoogeysanayo

0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa shirkad gaar ah u xirtay dal-ku-galka Kenya (Visa) iyadoo Kenya u dirtay warqad ay uga codsaneyso inay aqbasho wadashaqeynta shirkadaas.

Warqad ka soo baxday Wasaaradda ayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya looga codsaday inay aqbasho wadashaqeynta shirkadaas oo lagu magacaabo Global Tour and Travel Services.

Isku dayga ayaa ah in dhammaan dadka Soomaaliyeed ee doonaya dal-ku-galka Kenya ay maraan shirkadda, intii ay toos u aadi lahaayeen safaaradda, taasi oo il-dhaqaale u noqoneysa shaqsiyaadka iska leh shirkadda.

Qorshahan ayaa sida la sheegay waxaa ka dambeeya wasiirka arrimaha dibedda Abshir Cumar Haruuse iyo wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Cali Balcad. Cali Balcad oo aad ugu dhow madaxweyne Xasan waa ninka sida dadban u maamula wasaaradda.

“Iyadoo la tixgalinayo arrimaha amniga ee jira iyo kuwa sharciga ah, iyo sidoo kale muhiimadda ay leedahay in la helo habraac habaysan, la isku halayn karo oo hufan, kuna aaddan codsiyada fiisaha ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ee doonaya inay u safraan Kenya, ayay dawladda Soomaaliya u ogolaatay adeegyada dalxiiska iyo socdaalka ee caalamiga ah, shirkad ka diiwaan gashan Soomaaliya oo bixisa adeegyada codsiga fiisaha,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Sidoo kale wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya waxay qoraalkaan ku cadeysay in shirkadaas ay tahay tan kaliya ee u xilsaaraa doonta fududaynta iyo soo gudbinta codsiyada fiisaha ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ee doonaya inay u safraan dalka Kenya.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ka codsaneysaa in xafiisyadiina sharafta leh ay u fidiyaan taageeradooda, una fududeeyaan shaqadooda,” ayaa lagu yiri codsiga ay dirtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Arrintaan ayaa durba abuurtay guux badan, iyadoo dowladda lagu dhaliilayo in shakhsiyaad gaar ah ay u xireyso shaqooyin ay u sinaayeen shirkadaha iyo ganacsatada Soomaaliyeed.

Horay waxaa dowladda loogu dhaliilayey in soo dhoofinta qaadka ay u xirtay ganacsato ama shakhsiyaad gaar ah, taas oo dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ay kala kulantay mucaaradad soo deg degtay.

Horay dadka Soomaaliyeed waa ugu dhibanaayeen helitaanka fiisaha Kenya, lamana oga waxa ay cabadihii jiray ka bedeli doonto shirkadaan qandaraaska loo xiray, hadii ay shaqadaan bilowdo.

Ad
Previous articleDoorashada kursiga HOP86 ee loo Diiday Fahad yaasiin oo loo soo wareejiyey Muqdisho iyo Xiisad Wali ka Taagan kursigaas
Next articleWasiir caana nuug oo katirsanaa Xukuumadda Soomaaliya oo is casilay kana hadlay Sababta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here