Home Wararka Maanta Dowlada UK oo Shaacisay inay Dadkeedii ka Daad Guraysay Magaalada Khartuum xilinGoob...

Dowlada UK oo Shaacisay inay Dadkeedii ka Daad Guraysay Magaalada Khartuum xilinGoob Dagaal isku badashay

0

Sida uu xaqiijiyay Ra’iisul Wasaare Rishi Sunak Diblomaasiyiin British ah iyo qoysaskooda ayaa laga soo daadgureeyay dalka Sudan oo lugaha la galay dagaal sokeeye.

Sunak ayaa sheegay in ay sii wadayaan shaqada si loo xaqiijiyo badqabka muwaadiniinta British-ka ah ee ku haray Sudan.

Dadka la soo daadgureeyay ayaa la geeyey garoon ka baxsan magaalada Khartoum si ay dalka uga duulaan.

Dagaalo xooggan ayaa todobaadkii hore ka qarxay magaalada Khartoum kaasoo u dhexeeya laba ciidan oo iska soo horjeeda.

Wasiirka arrimaha dibadda Britain James Cleverly ayaa intaa ku daray in dowladdisu ka shaqaynayso sidii ay xoojin lahayd taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dhiigga daadanaya ee Sudan oo laga cabsi qabo inuu isku bedelo dagaal sokeeye oo daba dheeraada.

Talaabadan UK ayaa ka dambeysay ka dib markii la daadgureeyay Diblamaasiyiinta Mareykanka aroornimadii saaka, iyadoo dalal badan ay dedaal ugu jiraan iney muwaadiniintooda ka daad gureeyaan dalka Sudan.

Ad
Previous articleAlshabaab oo Maxaabiis iyo Gaadiid looga Qabtay Galmudug
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Mooshinka Laga Keenay Raysulwasaare Xamsa Cabdi Barre

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here