Home Wararka Maanta Dowlada Uganda oo Dalabkii Xasan Shiikh Diiday Itoobiyana Garab siisay

Dowlada Uganda oo Dalabkii Xasan Shiikh Diiday Itoobiyana Garab siisay

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tegay waddanka Uganda Jimcihii, isagoo la kulmay dhiggiisa Uganda, Yoweri Musuveni.

Booqashadan gaarka ah ayaa daarneyd arrimo ku saabsan howl-galka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa doonaya inay ciidanka Uganda la wareegaan fadhiyada ciidanka Itoobiya ee qeybo kamid ah gobollada Baay, Bakool iyo Gedo, si gaar ah goobaha uu Xasan Sheekh xiiseynayo in ciidan Ugandes ah la geeyo magaalada Baydhabo, ayada oo hadafku yahay mid siyaasadeed.

Itoobiya ayaa la sheegay inay dhawaan aqbashay inay ka baxdo magaalada Baydhabo kadib cadaadis uga yimid dowladda federaalka, balse hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa isna madaxweyne Xasan Sheekh ku cadaadinaya inuu ka leexdo Itoobiyaanka Baydhabo jooga, arrintaas ayuuna dhawaan kala hadlay.

Warar ay soo dusiyeen xubno kamid ah wafdiga Xasan Sheekh u raacay Uganda ayaa xaqiijinay inuu madaxweynaha Uganda ka cago jiiday in ciidankiisa la geeyo meelo si waaweyn uga fog magaalada Muqdisho.

Haddii uu ciidankeena dagaal qabsado ma heli karno gurmad, dalkuna iskuma furno, ciidan yar oo diyaarado lagu qaadeyna kuma filna gurmadkaas, ayuu ku dooday Museveni. Waxaa la sheegay in Yoweri Museveni uu kula taliyay madaxda dowladda Soomaaliya inay ciidamada Kenya iyo kuwa Itoobiya u dhaafaan goobaha ay hadda joogaan, maadaama ay u dhow yihiin xadkooda, faham fiicana ka haystaan bulshada goobahaasi ku nool.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladda Soomaaliya sooma qaadan jawaab qancisa, waxaana la warinayaa in markale ay dalab cusub ka fikirayaan. Jawaabta Uganda faa’iido fiican ayey u tahay Lafta-gareen, oo isagu haatan olole ugu jira in Itoobiyaanka sii joogaan Baydhabo.

Lafta-gareen oo sugaayey in Xasan Sheekh ka noqon doono go’aanka uu Itoobiyaanka kaga saarayo magaalada Baydhabo ayaa hadda fahamsan in codsigiisa uu wax weyn ka joogin dhinaca Xasan Sheekh.

Ogaanshaha Lafta-gareen ee ah in Xasan Sheekh qaaday tallaabo lidi ku ah codsigiisa ayaa la aaminsan yahay inay labada nin dhex dhigi karto shaki cusub oo siyaasadeed.

Howl-galka cusub ee AUSSOM waxaa doorka xulashada ciidanka iyo goobahaba iska leh dowladda federaalka Soomaaliya, welina si fiican uma bilaaban howsha.

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo

NISA oo faah faahin ka bixisay duqeymo 24 kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay Shabeelooyinka

War ay soo saartay Hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga dalka ay

Dowladaha Itoobiya iyo Israa’iil oo iska Caawinaya la dagaalanka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta

Dowladda Israa’iil ayaa Itoobiya ka codsatay inay iskaashi ka sameeyaan la dagaalanka argagixisada Bariga Dhexe iyo Afrika, iyagoo argagixisada ku tilmaamay cadow ay wadaagaan labada dal. Shir jaraa’id oo ay

Nin Qof Shacab ah Dilay oo lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

Booliiska Somaliland ayaa Khamiistii soo qabtay nin lagu eedeynayo inuu qof kale ku dilay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka Booliiska ayaa lagu

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa
Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo si adag ugu jawaabtay Raysulwasaaraha Israil
Next articleWararkii ugu danbeeyey Dagaal qaraar oo dhexmaray puntland iyo daacish